Beesha Caalamka Oo Taageero U Muujisay Puntland Iyo Jubaland

0
Friday January 29, 2021 - 19:19:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Oo Taageero U Muujisay Puntland Iyo Jubaland

    "Shirar hore oo laga yeeshay arrimaha khilaafka doorashada ayaa u muuqday kuwo aan miro dhalin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shirar hore oo laga yeeshay arrimaha khilaafka doorashada ayaa u muuqday kuwo aan miro dhalin"

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo wakiil ka ah Beesha Caalamka, ayaa soo saaray warbixin uu ku garab istaagayo guddiyada doorashada ee ay magacyadooda shaaciyeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, halka dowladda federaalka ay kasoo hor jeeddo tallaabadaas.




Tan iyo markii guddiyadan lagu dhawaaqay maalin ka hor waxaa sii xoogeystay khilaafka salka ku haya arrimaha doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo labada maamul ee xubnaha ka ah federaalka.


Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta ee federaalka ayaa ku gacan seyrtay labada guddi ee lagu magacaabay Garoowe iyo Kismaayo, waxayna sheegtay in aan la waafajinin habraacyadii lagu heshiiyay.


Hase yeeshee bayaan kasoo baxay UNSOM ayaa lagu caddeeyay mowqifka ay beesha caalamku ka taagan tahay arrintan muranka cusub dhalisay.


Maxaa lagu yidhi Bayaanka UNSOM?

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa lagu soo dhoweeyey magacaabista Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee Puntland iyo Jubaland, iyagoo ku tilmaamay arrinkaas "tallaabo wanaagsan".


Si toos ah ayaa loogu taageeray guddiyada ay diidday dowladda federaalka, waxaana lagu soo jeediyay baaqyo la xiriira arrimaha doorashada.


"Saaxiibada beesha caalamku* waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo. Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay.


"Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay


"Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay - iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn - oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran.


"In la qabto doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo lagu kalsoonaan karo waa arrin aad muhim ugu ah iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Saaxiibada beesha caalamku waxay ku boorinayaan dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay sameeyaan isu tanaasul gar ah oo lagama maarmaan u ah in la xaqiijiyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.


"Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay.


"Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay - iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn - oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran.


"In la qabto doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo lagu kalsoonaan karo waa arrin aad muhim ugu ah iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Saaxiibada beesha caalamku waxay ku boorinayaan dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay sameeyaan isu tanaasul gar ah oo lagama maarmaan u ah in la xaqiijiyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo."


Maxay Dowladda Federaalka ka tidhi Guddiyada?


Warqad kasoo baxday wasiirka oo lala wadaagay madaxweynaha dowladda federaalka iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa loo diray labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland, sidan ayeyna u dhigneyd:


"Heshiiskii Dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ku gaadheen magaalada Muqdisho 17-kii bishii September, 2020, oo ay meel mariyeen Golaha Shacabka iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee sida wadajirka ah loo saxiixay 1-dii October, 2020, waxay qeexayeen hannaanka lagu magacaabayo guddiyada heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.


"Xafiiska Wasiirka 1-aad ee XFS iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta midkoodna sooma gaadhin qoraal rasmi ah oo ku saabsan magacaabista Guddiyada Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed.


"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxay mar kale ku celineysaa in guddiyada ay shaaciyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay yihiin kuwo baalmarsan hannaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada."


Shirar hore oo laga yeeshay arrimaha khilaafka doorashada ayaa u muuqday kuwo aan miro dhalin, inkastoo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay isku dhinac yihiin dowladda federaalka.


BBC

Loading...
Loading...