Farshaxanimada Abwaanka...W/Q Cabdinasir Cabdirisaaq

0
Friday January 29, 2021 - 14:33:30 in Articles by
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farshaxanimada Abwaanka...W/Q Cabdinasir Cabdirisaaq

    Farshaxanimada Abwaanka...W/Q Cabdinasir Cabdirisaaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farshaxanimada Abwaanka...W/Q Cabdinasir Cabdirisaaq
May be an image of 1 person



Abwaannimadu waa darajo lagu gaadho aqoon dheeri ah iyo waayo aragnimo xeel-dheer, oo loo yeesho Dhaqan, Hidde, Af, Sooyaal iyo Il-baxnimo bulsheed. Sidoo kale, Abwaanku waa midka ugu il-dheer garadsan uguna xog-ogaalsan, Aqoon-degaameedka, Cimilo-gooreedka iyo si guud Juquraafiyadda Bulsho meel ku abuuran. Waxa u dheer intaas, in marka uu maankeenna ku quudinayo mid ka mid ah aqoonta kor ku xusan, uu adeegsado suugaan leh khammuun, geedo iyo xawaash isaga gaar u ah caraf iyo udug badanna leh, isu dheelli tiran, lagana garan ogyahay dherigiisa dheriyada kale.

Haddaba, maxaa dhaca marka dheriga suugaanta ay kariso cid aan Abwaan ahayni? Bal adba?
Waxa dhacaya waxa dhaca marka cid aan cunto karis aqooni cunto kariso... ama saliidda ayaa kaga badata ama Milixda/Cusbada ama dee waabu ka gubtaa. Kaddib waxa la dhahaa cuntadan yaa kariyay? Waxa jirta marar aanay saliidina ku badan milixna ku yarayn haddana cuntadaasi meel uun bilaa damcad ka tahay... markanna waxa la dhahaa "Nah" male????
Bal waxaad ila eegtaan tuducyada heestan, sau'aashiina aynnu soo celinnee yaa unkay ama kariyay?

???????????????????????????? ???????????????? ????????????????????????????????????
???????????? ???????????????????????? ???????????? ???????????? ????????????????
???????????????????????? ???????? ???????? ????????????????????????????????????????
???????????????????? ???????????????????????????? ???????????? ????????????????

Tuducyadani waa kuwo is wada burinaya Af Abwaanna maaha, run ahaantiina kama muuqato astaamihii Abwaanka ee aynnu kor kusoo xusnay, ha ugu horrayso Aqoon-degaameedka iyo Juquraafiyadda dhulkuye. Tusaale, Barwaaqada iyo Webigu waa mataano, degaanka webiga leh waa astaan roob badni tilmaamaysa. Sidoo kale, dhirtu waxa ay ku badnaataa meesha webiyada leh. Dhanka kale.

laydhsi tagga iyo Badduna waa labo aan kala maarmin. Hase yeeshee, tuducyadan cidda alliftay intaaba waxba ugama baxsana.

Bal waxaad ila dhugataa heesahan ay Abwaannadu curiyeen, ee iyagu ammaanaya barwaaqada iyo webiga is-barkan, si aynnu u ogaanno in dheri Abwaan laga kariyay iyo bal in kale!

???????????????????? ???????????????? ????????????????????????????????????????
???????????????????????????????????? ????????????????????????????
???????????????????????????? ???????????????????? ????????????????????
???????????????????????????????????? ????????-????????????????????????????????
Iyo
???????????????? ???????????????? ????????????????????????????????????
???????? ???????????????????? ????????????????????????????????????
???????????????? ???????????????? ????????????????????????????

Intaas oo qudha ma aha heesaha Iyo suugaanta Webiga Iyo barwaaqada isku sidkayaa, ee waa buux. Sidaa darteed tuducyada heesta aynnu dhaliilnay Af abwaan ma aha dheri Abwaanna lagama karin, waayo "???????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????? ???????????????? ???????????????????? ????????!"
F.G: ma garanayo tuducyada heesta cidda qaabkan u hal-abuurtay.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...