Xasan Aadan Iyo Heesaha Maayga...W/Q Maxamed Cabdilaahi Dhaalay

0
Friday January 29, 2021 - 14:21:27 in Articles by
  • Visits: 1128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Aadan Iyo Heesaha Maayga...W/Q Maxamed Cabdilaahi Dhaalay

    Xasan Aadan Iyo Heesaha Maayga...W/Q Maxamed Cabdilaahi Dhaalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Aadan Iyo Heesaha Maayga...W/Q Maxamed Cabdilaahi Dhaalay

Silsiladda heesaha jeceylka ee Huburow ayaa qofka aanan suugaanta iyo heesaha Maayga aqoonin uga filan inuu ogaado sida uu abwaanka wax ku curiya Maaygu hodan ugu yahay erayada dhaladka ah ee ku habboon wax-gudbinta– dareen iyo doocba. Waxaa kale oo ay heesahaas marqaati ka yihiin sida uu fanka Maaygu u yahay mid figta sare ka gaaray mucda murtida, mashdhac miyuusigga iyo macaanta codka heesaagaba.


Haddii aanad afka Maayga aqoonin, waa laga yaabaa in aad fahmi waydo waxa uu ka hadlaayo Xasan Aadan oo qaadaya heesta " Is waayney is efiinooy " oo la sheegay inay afmeer u ahayd suugaantii uu ku dan-sheeganayay Sahal Macallin Ciise, markii uu jacaylka ku dhacay. Balse haddii aad ogaato macnaha erayada ayaad xaqiiqsanaysaa in Xasan Aadan uu gudbinayo isla farriintii uu gudbiyay Maxamed Mooge markuu qaadayay heeskii uu Cali Saleebaan Bidde allifay ee lahayd:

Aniguna kumaan gabin
Adna iima gooyninee
Waayahay na gaabshay
Haddii guri aad leedahay
Oo lagula aqalgalay
Geel iyo gammaan faras
Ayaan kugu galbinayaa
Xasan Aadan, oo dareenka Sahal Macallin soo gudbinaya, wuxuu asna leeyahay:
Athy eed my lihiithee
Anii eedy lee
Arryng hooby aawkaa sheenoo
Aroothiis ku kooytoo
Angkaar ii do'aa waa
Ingky aasiyowtooy
.......................
Ariirtoo langkoo fathaaw
Lang kalee agalshee gathee
Indhoogheey nuurshoo
Jinaathy oorshee
Qalbygheey aftiingsheey
Iswaayney is efiinooy
Adduuny ley yaa

Xasan wuxuu leeyahay "haddii uu aabbahaa arin keenay oo ay agtiisa ka timid [oo nin kale lagu siiyay], waa uun duco iyo habaar mid, ee ha ku caasin waalidkaa... [waa adduun iyo xaalkiis e] gabar nin rabo, ayuu nin kale aqalkeeda gadayaa. Indhahayga nuurkoodaay, ooridii jannaadeey, qalbigayga iftiinkiisaay, waan isweynaye, aan iscafinno. Waa iska xaal adduun e!"

Waxaan aaminsan ahay in suugaanta, af-guriga iyo dhaqannnada ay deegaannadu ku kala duwan yihiin ay ka dhigan tahay qurux ummadeed iyo qaayo aqooneed. Inaan wada xushmeyno, oo midkeenba uu tan kale wax ka barto ayaan ku ahaan karnaa ummad ilbax ah, oo ay ummado kale wax ka baran karaan. Waana tan mid ka mida sababaha aan u dhaliilo geeljiraha aqoon oo dhan u yaqaanna geel, toorreey iyo libaax.
Boqortooyo

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...