Cabdikariin Axmed Mooge saddex kooxood oo keliya ayuu cod ka helayaa...W/Q Jimcaale M. Xamari

0
Friday January 29, 2021 - 14:05:27 in Articles by
  • Visits: 2478
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdikariin Axmed Mooge saddex kooxood oo keliya ayuu cod ka helayaa...W/Q Jimcaale M. Xamari

    Cabdikariin Axmed Mooge saddex kooxood oo keliya ayuu cod ka helayaa...W/Q Jimcaale M. Xamari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdikariin Axmed Mooge saddex kooxood oo keliya ayuu cod ka helayaa...W/Q Jimcaale M. Xamari

1. Codka ugu badan ee haddii uu isdhimo uu hadhayaa waa codka ardaagiisa. Haddii codkaa lagula tartamo ama uu waayo Cabdikariin Hargaysada kale oo dhami ma soo saari karto.
May be an image of 1 person


2. Codka labaad waa Garxajiska aan reer Hargaysa ahayn ama aannay cidi u sharaxnayn, laakiin ka diiwaangashan Hargaysa. Codkan oo ah ka u badan ee ku soo xigaya ka ardaagiisa waxa uu in badan waayi lahaa haddii uu Kulmiye iska soo sharaxi lahaa, waayo codka badan ee uu Cabdikariin helaa waxa suuragal ah in uu xildhibaan kale u soo saaro xisbiga Kulmiye. Inta badan musharaxa codka badani kaligii ma soo baxayo ee waxa uu soo dalaci karaa musharax kale oo ay isku xisbi yihiin. Kursiga dheeraadka ah ee uu Kulmiye u soo dalaco oo loo geeyay kiisu, waxa ay ka go'ayaan Waddani iyo UCID, gaar ahaan Waddani oo ay inta badan dadka codkan lehi taageeraan.

3. Codka saddexaad, una yari, waa rag iyo dumar Cabdikariin shaqsiyaddiisa ku wata oo aan xisbina u eegayn, reerna u eegayn ee isaga taageersan. Codkan waxa uu waayi karaa uun isaga oo doorashada ka hadha ama wax kale ku soo baxaan.

Qofka aan saddexdaa kooxood midna ka tirsanayn ee Cabdikariin cod baan kuu hayaa ku yidhaahdaa waa beenaale munaafaq ah. Waxa uu rabaa in uu Cabdikariin imika sawir la sii galo, hadhowna ka dhaco. Haddii uu soo baxo dabka ku qabsado, haddii uu hadhana la ooyo.

Mar walba codka uu Cabdikariin ku waayi lahaa Kulmiye ayaa aad uga badan codka uu ku waayayo Waddani. Ta caqabaddu ka iman kartaa waa in ay dawladda dhexe marka uu soo baxo kala dagaalanto Maayirnimada. Taasna hadba dedaalka ay awooddaha badan ee caasimaddu ciyaaraan ayaa ay ku xidhnaan doontaa iyo raga la loolama oo kolayba ma fududa. Sida aannay ugu filnayn xukuumadda ayaa wadata, ayaanay u reebi karin xukuumadda ayaa diiddan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...