Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Samaysanaya Ciidamo Isku Dhaf Ah Oo Amniga Xuduuda Ka Shaqaynaya

0
Friday January 29, 2021 - 14:01:52 in News by
  • Visits: 1612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Samaysanaya Ciidamo Isku Dhaf Ah Oo Amniga Xuduuda Ka Shaqaynaya

    Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Samaysanaya Ciidamo Isku Dhaf Ah Oo Amniga Xuduuda Ka Shaqaynaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Samaysanaya Ciidamo Isku Dhaf Ah Oo Amniga Xuduuda Ka Shaqaynaya

Addis Ababa(HWN):-Masuuliyiinta hay'addaha amniga u qaabilsan dalalka Itoobiya Iyo Jabuuti ayaa kulan ka yeeshay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen faldembiyeedka abaabulan ee ka dhaca xuduuda u dhaxaysa labada wadan.



taliyaha guud ee ciidamada booliska federaalka Itoobiya Demelash Gebremichael oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha booliska Jabuuti gaashaanle sare Cabdi Cabdi Faarax ayey ka wada hadleen sidii ay labada ciidan iskaga kaashan lahaayeen ka hortaga iyo la dagaalanka dembiyada abaabulan ee ka dhaca xuduuda u dhaxaysa labada dal.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo qaadi lahaa hawlgal wadajir ah iyadoo la dhisayo ciidan isku dhaf ah oo amniga ka shaqeeya si loola dagaallamo tahriibinta dadka, lacagaha la maydho, isu socodka hubka sharci darrada ah, argagixisada iyo dambiyada kale ee xudduudaha ka gudba.


Loading...
Loading...