Ma Xal Ayaa Laga Gaadhay Khilaafkii Doorashooyinka Somaliland?

0
Friday January 29, 2021 - 13:25:45 in News by
  • Visits: 1983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Xal Ayaa Laga Gaadhay Khilaafkii Doorashooyinka Somaliland?

    Ma Xal Ayaa Laga Gaadhay Khilaafkii Doorashooyinka Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Xal Ayaa Laga Gaadhay Khilaafkii Doorashooyinka Somaliland?


Waxaa saacadihii lasoo dhaafay war qoraal ah oo wadajir ah soo saaray maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo soo gudbiyay liiska magacayada xubnaha guddiga doorashada.

.


Magacyada xubnaha oo in muddo ah la sugayay, magacbidodana ay labadan maamul ku xireen shuruudo ay kamid tahay in xal laga khilaaf dowladda federaalka iyo Jubaland ee ku aadan gobolka Gedo iyo in guddiga ay magacawday dowladda federaalka laga saaro waxay ku tilmaameen shaqaalaha dowladda ayaa ilaa iyo hadda aanan la ogeyn in la xalliyay tabashooyinkii ay ka qabeen arrimihii taagnaa.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo maalmahanba kulamo habka fogaan aragga la lahaa madaxda maamul goboleedyada ayaa la aaminsan yahay in uu labadan maamul ee uusan xiriirka wanaagsan kala dhaxeyn dowladda federalka ka dalbaday inay soo gudbiyana liiska magacyada xubnaha guddiga.

"Markii hore maamulada Puntland iyo Jubaland waxay ka cabanayeen in guddi aysan ku qanacsaneyn ayay guddi kale ku daraan, hadda se sidii ayaa muuqata, waxaana tanaasulka keenay ergeyga gaarka ee Qaramada Midooba u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, isaga ayaa keenay isbadelka degdega ah ee ay sameyeen labada maamul," ayuu yiri Cabdiqaadir Dhaqan oo ka faallooda siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in guddiga ay magacabeen aysan waxbadan ka dhigneyn oo ay ahayd oo keliya in la fulliyo dalabkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in marka hore ay labadan maamul soo gudbiyaan magacyada guddiga doorashada.

Guddiga ay magacaabeen Puntland iyo Jubaland ayuu intaa raaciyay in aysan soo shaqo tegin oo wali aysan kasoo tegin Kismayo iyo Garowe, waxwalbana ay ku xirnaan doonaan shirka ay ku baaqeen labadan maamul ee Muqdisho iyo sida xal looga gaaro waxyaabihii ay tabanayeen.

"Maamulada Puntland iyo Jubaland ayagoo tixgelinaya wakhtiga xasaasiga ah ee lagu jiro, una gogol xaaraya qabsoomidda shir loo dhan yahay, waxaa se ay dowladda federaalka ku eedeeyeen inay ka cagajiideyso qabsoomidda shir lagu xalliyo khilaafka doorashada", ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen labada maamul.

Labadan maamul ayaa sidookale ku baaqay in 30-ka bishan oo beri oo keliya ay naga xigto magaalada Muqdisho lagu qabto shir, kaasoo ay ka qeybgalayaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, waxaase la isweydiinayaa surtagalnimada arrintaas maadaama illaa iyo hadda dowladda federaalka aysan ka hadlin shirkan ay ku baaqeen maamulada Puntland iyo Jubaland.

Dhanka kale golaha midowga musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay magacaabista guddiyada doorashooyinka dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxaa kale oo ay soo dhaweyeen baaqaa labadan maamul ee ah in shir degdeg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo aanan la dhacsaneyn habka ay doorashada u wado dowladda federaalka ayaa sheegay in illaa iyo inta wax laga qabanayo tabashooyinka ay qabaan aysan magacaabi doonin xubnaha ku matelaya guddiga doorashada.

Labadan maamul ayaa doonaya in dowladda federaalka ay gobolka Gedo ku wareejiso Jubaland, si ay uga dhacdo doorashada.

Qaar kamid ah musharixiinta mucaaradka ayaa iyaguna horay u dalbaday in xubnaha qaar ee ka midka ah guddiga doorashada ee ay dowladda magacawday laga saaro, maadaama sida ay sheegeen ay yihiin shaqaale dowladeed iyo dadkale oo aad ugu dhow dowladda.

Sidoo kale mucaaradka ayaa dalbanaya in guddiga maamuli doona kuraasta Somaliland la ballaariyo oo lagu soo daro guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi.

Inkastoo weli heshiis rasmi aanan laga gaarin arrimaha doorashooyinka, haddana waxaa socda dadaalo lagu xallinayo arrintaas oo ay wadaan beesha caalamka.


Loading...
Loading...