Djibouti Maxay Ka Tidhi Go'aanka Xaqiiqo Raadinta Khilaafka Dawladdaha Soomaaliya Iyo Kenya

0
Friday January 29, 2021 - 07:08:04 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Djibouti Maxay Ka Tidhi Go'aanka Xaqiiqo Raadinta Khilaafka Dawladdaha Soomaaliya Iyo Kenya

    Djibouti Maxay Ka Tidhi Go'aanka Xaqiiqo Raadinta Khilaafka Dawladdaha Soomaaliya Iyo Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Djibouti Maxay Ka Tidhi Go'aanka Xaqiiqo Raadinta Khilaafka Dawladdaha Soomaaliya Iyo Kenya

Hargeisa(HWN):-Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibadda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa looga hadlay go'aankii ka soo baxay guddigii xaqiiqo raadinta Urur gobolleedka IGAD uu u saaray muranka dhinaca xudduuda ah ee u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.



Qoraalka ayaa lagu sheegay in go'aanka ay soo saareen guddiga uu ahaa mid loo fuliyay si dhaxdhaxaadinmo ah kaa oo jawaab u ahaa eedeyn uga timid dhinaca Soomaaliya oo go'aankaa ku tilmaamtay mid hal dhinac ah.

Sidoo kale Jabuuti ayaa sheegtay in howlasha guddigan ay ku timid kaddib go'aan ay sidaa ku gaareen madaxda urur gobolleedka IGAD iyo ruqsad laga heystay labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Jawaabta Jabuuti ayaa imaneysa xili dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay guddiga in ay warbixintooda ku saleeyeen oo kaliya xigashada hal dhinac oo ah Wasiirka Difaaca Kenya, taasoo ah mid aan lagu kalsoonaan karin.

Loading...
Loading...