Maxay Ka Wada Hadleen Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Iyo Safiirka Denmark?

0
Thursday January 28, 2021 - 13:47:43 in News by
  • Visits: 1465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ka Wada Hadleen Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Iyo Safiirka Denmark?

    Maxay Ka Wada Hadleen Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Iyo Safiirka Denmark?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Ka Wada Hadleen Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Iyo Safiirka Denmark?


Guddoomiyayaasha Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI ayaa Kullan wada jir ah kula yeeshay Magaalada Hargeysa Safiirka Dalka Denmark Amb Ole Thonke, kaas oo la sheegay inay kala hadleen arrimo la xidhiidha doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo degaanka iyo arrimo kale oo la xidhiidha dimuqraadiyadda dalka .

Cirro Iyo Faysal Oo Sameeyay Guddi Baadhaysa Dawladaha Hoose Ee Dalka - Geeska Afrika Newspaper


Kulanka ay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye cirro ay la yeesheen Safiirka Dalka Denmark Amb Ole Thonke oo war-baahintu debad joog ka ahayd,balse qoraal ka soo baxay Xisbiga UCID ayaa lagu sheegay inay ka wadda hadleen Guddoomiyayaasha iyo denjire Amb Ole Thonke arrimahan :-" Kulankan ayaa waxaa lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka isku sidkan,ka qayb-galka doorashooyinka ee Dumarka, Dhalinyarada iyo Beelaha la hayb-sooco.Sidoo kale waxaa lagaga wada hadlay kulankan, mashaariicaha horumarinta dalka iyo deeqaha ay Denmark ku shubto sanduuqa SDF-ta..” ayaa lagu sheegay.


Dhanka kalene Safiirka Dalka Denmark Amb Ole Thonke ayaa waxa uu kullankaas lamid ah uu la yeeshay Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland,kaas oo xaruntooda kula qaatay, sida lagau sheegay qoraal kasoo baxay guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland kaas oo u dhignaa sidan:-"KDQ ayaa saaka Kulan la qaatay Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland & Soomaaliya. Safiirka ayaa Komishanka kusoo booqday Xaruntooda Magaalada Hargeysa. Arrimo badan oo Dimoqraadiyada iyo Doorashooyinka Somaliland ku saabsan ayaa laga wada hadlay.”

Waxa ay intaas ku sii dareen "Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Safiirka Denmark iyo waftigiisa uga xog-waramay horumarka laga sameeyay #Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Qorshayaasha Doorashooyinka Deegaanada iyo Wakiilada ee Sannadkan laga qaban doono Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo noqon doonta tallaabo hor leh oo loo qaaday dhinaca Dimoqraadiyadda, adkaanshaha dawladnimo iyo horumarka siyaasadeed ee Somaliland. "ayaa lagu sheegay qoraalka.

Waxa kale oo lagu yidhi qoraalka "Safiirka ayaa isaguna dhiniciisa u sheegey Komishanka in Denmark ay qirayso horumarka Somaliland isla markaana hambalyeeyay dedaalada Komishanku sameeyay iyo sidoo kale hirgalinta diiwaangelinta Codbixiyayaasha doorashooyinka iyo hannaanka dimoqraadiyadeed ee JSL.Kulanka ayaa kusoo idlaaday is-afgarasho, iyadoo dhinacyadu muujiyeen muhiimada uu yeelankaro iskaashi iyo wada-shaqayn dhexmarta Somaliland iyo Denmark. .”ayaa lagu yidhi.

Amb Ole Thonke ayaa kullan sidan oo kale ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanu uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee uu kala hadlay Hoggaanka Xisbiyadda iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland. Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa dalka safarro kala duwan ku imanayay wufuud ka tirsan beesha Caalamka kuwaasi oo siday farriimo la xidhiidha doorashooyinka iyo qaabka ugu habboon ee ay dalka uga qabsoomi lahaayeen iyo waliba sidii isfahamka xukuumadda, xisbiyada iyo dhamman daneeyayaashu hareeraha uga taagnaan lahaayeen habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka. Waxaanay si gaar ah u danaynayaan doorashada haweenka, dhallinyarada, beelaha la hayb sooco iyo arrimo kale.


Loading...
Loading...