Maxay Ka Dhigan Tahay Jawaabta Uu Madaxweyne Farmaajo Ka Helay Dacwadii Uu IGAD U Gudbiyey?

0
Thursday January 28, 2021 - 13:45:39 in News by
  • Visits: 1446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ka Dhigan Tahay Jawaabta Uu Madaxweyne Farmaajo Ka Helay Dacwadii Uu IGAD U Gudbiyey?

    Maxay Ka Dhigan Tahay Jawaabta Uu Madaxweyne Farmaajo Ka Helay Dacwadii Uu IGAD U Gudbiyey?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Ka Dhigan Tahay Jawaabta Uu Madaxweyne Farmaajo Ka Helay Dacwadii Uu IGAD U Gudbiyey?


Xukuumadda uu Gadhawadeenka ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ee Soomaaliya ayaa waji Gabax Culus kala kulantay Dacwaddii ay u gudbisay Ururka IGAD taasi oo ka dhan ahayd Dalka Kenya.

Farmaajo iyo Geele oo Telefoonka ku Wadahadlay - Horseed Media • Somali News


Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Shalay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee loo diray xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, uu la saftay dowladda Kenya.


Guddigaas oo laga iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti ayaa loo diray xuduuda si loo baaro waxa ka jira cabashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay jabhad ka abaabuleyso xuduuda ay wadaagaan labada dal.

Guddiga oo shalay soo saaray warbixin ayaa sheegay in xuduuda aanay ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Dalka Soomaaliya. Wasiir Dubbe ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warbixintii guddiga, isagoo ku eedeeyey inaanay dhexdhaxaad aheyn oo ay soo saareen warbixin hal dhinac ah.

Waxaanu Shalay Shir Jaraa’id oo uu qabtay ku yidhi "Markii uu xumaaday xidhiidhkii aan la laheyn Kenya waxaa la isugu tegay shirkii Jabuuti, waxaa lagu heshiiyey in guddi loo saaro arrinta, Soomaaliya way ku faraxday markii Jabuuti loo xil saaray baadhitaankaas, warbixintii waa soo baxday, balse dowladda Soomaaliya waxuu ku noqday fajac iyo amakaag, wax kasta oo Soomaaliya ay dhibsatay oo ay ka dacwootay guddigu waxa uu ka dhigay waxba kama jiraan,” ayuu yidhi wasiir Dubbe.

Waxa uu sheegay in guddigu uu Soomaaliya qaladka saaray, isla markaana ay qoreen in arrinta cilaaqaadka xumeysay ay tahay mid hore, haatana aanay jirin wax ka dhaxeeya labada dal oo aan aheyn arrinta badda.

"Warbixinta guddiga nuqul kasta waxaa ku qoran ‘wasiirka difaaca Kenya ayaa noo sheegtay’ dhaliisheenu waxay tahay hal dhinac ayey warkeeda qaateen, waana diiday guddigu inuu tago dhulka Soomaaliyeed oo laba jeer ayey gudaha Kenya ku noqdeen, waxaan ku boorinay Beled-Xaawo u soo gudba waana diideen, mar ay Muqdisho noogu yimaadeen waxay sidoo kale naga diideen inaan diyaarad ku qaadno oo Beled-Xaawo geyno, shaki ayaa markiiba na galay, hadana warxibintooda waxay ku soo aadiyeen dagaalkii Beled-Xaawo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Dubbe.

Wasiirka ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uu qiray in dagaalkii Beled-Xaawo uu u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya, balse dowladda Jabuuti oo aan walaalo nahay ay intaas awoodi weyday.

"Marabo in arrintu naga noqoto Soomaaliya iyo Jabuuti, warkeenu waxuu ku kooban yahay warbixintaas qaldan, guddigu waa qaldami karaa oo waa bini’aadan, laakiin Jabuuti waa walaaleheen aan soo korinay oo xornimadooda aan dhib badan u marnay,” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Aadan Dubbe.

Xubnaha guddiga loo diray xuduuda oo ah 7-qof oo lix ka mid ah ay Jabuuti ka socdaan waxaa ka mid ah, Yacin Elmi Bouh, oo ah safiirka Jabuuti ee Kenya, Aden Hassan Aden, oo ah safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, General Taher Ali Mohamed, Colonel Ali Aden Houmed, Colonel Mohamed Barkad Aden, iyo Taliye Houssein Idriss Egueh, oo ka wada tirsan ciidamada Jabuuti, iyo Taliye Abebe Muluneh, oo ah agaasimaha waaxda amniga ee IGAD.


Loading...
Loading...