Golaha Guurtida Oo La Filayo Inay Toddobaadkan Kal-fadhi Aan Caadi Ahayn Ka Yeeshaan Wakhtiga Qabsoomida Doorashoyinka

0
Thursday January 28, 2021 - 12:51:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Oo La Filayo Inay Toddobaadkan Kal-fadhi Aan Caadi Ahayn Ka Yeeshaan Wakhtiga Qabsoomida Doorashoyinka

    Golaha Guurtida Oo La Filayo Inay Toddobaadkan Kal-fadhi Aan Caadi Ahayn Ka Yeeshaan Wakhtiga Qabsoomida Doorashoyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Guurtida Oo La Filayo Inay Toddobaadkan Kal-fadhi Aan Caadi Ahayn Ka Yeeshaan Wakhtiga Qabsoomida Doorashoyinka

Hargeisa(HWN):-Iyadoo toddobaadkan ay Madaxweynaha iyo hoggaanka Saddex-da Xisbi Qaran kullan la yeesheen shir guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, kaas oo ahaa mid ay kale hadleen arrimaha doorashooyinka isku sidkan iyo sidii ay Golaha Guurtidu ugu waafiqi lahayeen saddex-da xisbi Xukuumadda iyo Komishanka in bisha may 31,2021-ka ay dalka ka qabsoomaan doorashooyinkaas,waxaana laga dalbaday Golaha Guurtidu inay ka laabtaan muddo kordhintii ay hore ugu sameeyeen Golaha Wakiillada.
Shir-guddoonka Guurtida Oo Ballanqaaday In Ay Wax Ka Qabanayaan Wasiir Guri Barwaaqo - Sayruuq News


Shir Guddoonka Golaha Guurtida ayaa la sheegay inay la qataan Madaxweynaha iyo hoggaanka Saddex-da Xisbi Qaran inay iswaafajin doonnaan wakhtiga doorashooyinka loo asteeyey inay dalka ka qabsoomaan oo ah 31 May 2021 iyo muddo kordhintii ay hore ugu sameeyeen Golaha Wakiillada. "Waxa la soo saaray maanta inay doorashadu dhacdo 31 May 2021-ka waxa weeye waxay maanta hortalaa Guurtidii ayey hortaal, maalintii dhaweyd ee aanu u yeedhnay shir guddoonka guurtida,Saddex-da Xisbi iyo Madaxweynuhu, Madaxweynuhu aad ayuu ula hadlay annana waan la haddalnay wey nala qateen mab’da ahaan inay iyaguna wakhtigaa ansixin doonnaan,waxay sugayeen Guddoomiyihii guurtida Saleebaan Kariim oo yimi Axadii,waxaan ka sugaynaa isna inuu ansixiyo aynu galnana doorasho wanaagsan .” ayuu sheegay Guddoomiye Faysal .

Dhanka kalene xoggo uu wargeyska Foore ka helayo illo wareedyo kale duwan ayaa sheegay in muddanayaasha aqalka odayaasha Somaliland " guurtidu " la filayo inay toddobaadkan dambe ay kal-fadhi aan caadi ahayn ka yeelan doonnaa arrintaas la xidhiidha is waafajinta wakhtiga guddida doorashooyinku u asteeyeen inay dalka ka dhacaan doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo degaanka, kaas oo ah 31 May 2021-ka iyo muddo kordhintii ay hore ugu sameeyeen Golaha Wakiillada,balse si dhab ah looma ogga Golaha Gurtidu inay ku adkaysan doonnaan Go’aankoogii hore ee ahaa inay doorashooyinku dalka ka dhacaan dhammaadka sannadkan 2021-ka

Geesta kalene Bulshada reer Somaliland ayaa si weyn u sugaysa go’aanka Golaha Guurtida Somaliland kasoo bixi doonna iyo jawaabta ay ka bixin doonnaan codsiyadda ay Madaxweynaha Qaranka iyo Xisbiyadda u gudbiyeen ee ah inay doorashooyinku ku dhacaan horaanta sannadka iyo 31 May 2021-ka,waxaanay bulshadu u heelantay in Golaha guurtida Somaliland uu go’aamin doonna in doorashooyinkaas ay dalka qabsomaan wakhtiga guddida doorashooyinku ay cayimeen oo ah 31 May 2021-ka , balse lama ogga waxa uu noqon doonno Go’aanka Golaha Guurtida Somaliland, waxanu dhawrnaa waa kal fadhiga aan caadiga ahayn ee aqalka odayaasha ay yeellanayaan toddobaadkan soo socda iyo waxa uu noqon doonno go’aankooda la xidhiidha inay 31 May 2021-ka ay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka isku sidkan iyo inay wakhigii ay hore u qabteen ee dhammaadka sannadka 2021-ka ay doorashooyinkaas dhacaan iyo inuu noqdo Go’aan bulshada ka farxiya iyo mid aan ka farxin, iyada oo xisbiyada Mucaaridku walaac weyn ka qabaan Guurtida.

Loading...
Loading...