Komishanka Doorashooyinku 122 Maalmood Maku Dhamaytiri Karaan Hawlaha Culus Ee Horyaala?

0
Thursday January 28, 2021 - 11:36:18 in News by
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinku 122 Maalmood Maku Dhamaytiri Karaan Hawlaha Culus Ee Horyaala?

    Komishanka Doorashooyinku 122 Maalmood Maku Dhamaytiri Karaan Hawlaha Culus Ee Horyaala?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komishanka Doorashooyinku 122 Maalmood Maku Dhamaytiri Karaan Hawlaha Culus Ee Horyaala?


Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa bisha May 31-keeda u cayimay in ay qabanayaan doorashada isku sidkan ee Wakiillada Iyo Deegaanka, taas oo weli u baahan in madaxweyne ku soo saaro digreeto rasmi ah.




Wakhtiga Komishanku u qorsheeyey qabashada doorashadan, ayaa waxa ka hadhsan 122 maalmood oo keliya, iyada oo ka hor muddadaas ay Komishanka horyaalaan hawl culus oo u gogol xaadhaya qabsoomida doorashooyinka.


Hawlahan horyaalla Komishanka oo qaarkood dhamaystirkooda gacanta lagu hayo, ayaa haddana waxa jira hawlo muhiom ah oo aan weli bilow taagnayn, kuwaas oo ay ka mid yihiin murrashaxiinta Xisbiyada ee ka qayb galaya doorashada oo aanay weli Xisbiyadu dhamaystirin.
Waxyaabaha kale ee Guddids doorashada horyaalla, waxa ka mid ah:


Samaynta Goob beddelka dadka danaynaya.


Soo Saarida Liiska Kama dambaysta ah ee Codbixiyeyaasha doorashooyinka.


Daabacaada Kaadhadhka Codbixinta ee Dadkii Wejiga Labaad is diiwaan geliyey.
Kaadh Qaybinta Codbixiyeyaasha


Samaynta Astaamaha Murrashaxiinta ka qayb galaysa tartanka doorashada Wakiillada iyo Deegaanka.


U Qori tuurista Saddexda Xisbi ee qaabka ay Magacyadoodu ugu kala horreynayaan warqada Codbixinta.


Daabacaada Warqada codbixinta.


Dejinta Jadwalka Ololaha doorashada Wakiillada iyo Deegaanka.


Qorista iyo tababarida shaqaalaha iyo hawlwadeennada ka shaqaynaya doorashoooyinka.


Qabashada Liiska Murrashaxiinta.


Hubinta Buuxinta Xildhibaannada ee Shuruudihii loo dejiyey murrashaxiinta.


Daabicida Liista Murrashaxiinta oo goboleysan iyo astaamaha.


Diyaarinta dhaqaalaha lagu qabanayo doorashada Wakiillada iyo Deegaanka


Loading...
Loading...