Xildhibaan Golaha Wakiilada Fadhiyey 15 Sanadood Oo Hadana Shaaciyey Inuu Musharax Yahay

0
Thursday January 28, 2021 - 10:31:46 in News by
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Golaha Wakiilada Fadhiyey 15 Sanadood Oo Hadana Shaaciyey Inuu Musharax Yahay

    Xildhibaan Golaha Wakiilada Fadhiyey 15 Sanadood Oo Hadana Shaaciyey Inuu Musharax Yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Golaha Wakiilada Fadhiyey 15 Sanadood Oo Hadana Shaaciyey Inuu Musharax Yahay
.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa Sheegay in uu marlabaad u sharaxan yahay Doorashada Golaha Wakiilada.
Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud Oo ka jawaabay Hadallo ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas oo ay iskudegaan,Gole & Xisbi yihiin - News - Wararka - Somali Forum - Somalia Online



Xildhibaan Xaamud oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu Sheegay in sababta uu ugu sharaxan yahay Doorashada Golaha Wakiilada ay tahay,madaamada uu muddo dhawr badan Sanno ka mida ahaa Golaha Baarlamaanka.

Xildhibaan Xaamud oo Arimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi"Waxa aan u sharaxanahay marlabaad Doorashada Golaha Wakiilada Ceerigaabo aan tagayna waan ka sheegay in aan sharaxanahay, sababta aan u sharaxanahay waxa weeye in badan ayaan ka soo shaqaynayay Golaha Baarlamaanka Somaliland oo gaadhaya dhawr iyo Toban Sannadood,wixii aan qaban karno waanu qaban doonaa dad kuna hadal uma baahna ee wax qabad ayay u baahan yihiin,".

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu Sheegay in si Nabedgalyo ah uga qabsoontay Diwaangalinta Codbixiyayaasha Gobalka Sanaag.waxaana uu yidhi"Waxa aan ka soo noqday Gobalka Sanaag ilaa Toddobaatan kiiloo Mitir ayaana Diwaangalinta Codbixiyayaasha si Nabedgalyo ah looga qabtay,dadka Deegaanadaasi si ka duwan sidii hore ayay u qaateen Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha Deegaanada Badhan waana in Xukuumadda ka warhayso ayaa muhiima Deegaanadaas,".

Loading...
Loading...