Dawlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Sida Ay U Aragto Warbixintii Guddida Urur Goboleedka IGAD

0
Thursday January 28, 2021 - 10:28:50 in News by
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Sida Ay U Aragto Warbixintii Guddida Urur Goboleedka IGAD

    Dawlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Sida Ay U Aragto Warbixintii Guddida Urur Goboleedka IGAD

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Sida Ay U Aragto Warbixintii Guddida Urur Goboleedka IGAD


Dawladda Kenya ayaa soo dhaweysay warbixin ay soo saareen guddiga xaqiiqda raadinta ee ururka goboleedka IGAD uu u diray xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya.




Guddigaas, oo xuduudda labada dal booqday intii u dhaxeysay 9-kii iyo 13-kii Janauary,ayaa sheegay in ay wax caddeymo ah u waayeen inta badan eedihii ay Soomaaliya u jeedisay Kenya, waxayna yidhaahdeen "Guddigu wuxuu u arkaa cabashooyinka ka yimid Dowladda Soomaaliya, oo qaarkood soo jireen ahaa, inaysan u muuqan inay ku filnaan karaan in loogu cudur-daaro in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya.”
Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay in guddiga la siiyey, intii lagu guda jiray howlgalka xaqiiqo raadinta, caddeymo aan dood laga keeni karin "oo Kenya ka bari yeelaya dhammaan eedaha loo jeediyey.”

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in warbixinta guddiga ay caddeyn u tahay in eedeymaha Soomaaliya ay ka dhanka ah Kenya ay yihiin "kuwa aan sal laheyn”.

Waxay kale oo intaas ay ku dartay inay caddeyn u tahay in go’aanka ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya uu ahaa mid qiil laheyn oo saameyn taban ku yeeshey Soomaalida gargaarka iyo adeegyada kale u raaadsada Kenya, howlgalka Amisom iyo nolosha shacabka labada dal.
"Waxaa taas kasii muhiimsan in hadda ay caddahay in xasaradaha ay abuurtay Soomaaliya aysan horumarineyn aragtida IGAD ee ah ku guuleysashada nabadda, baraaraha iyo is-dhexgalka gobolka,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

No photo description available.

Loading...
Loading...