Siyaasi Maxamed Xaashi Oo Soo Bandhigay Dayaca Ka Muuqda Hargeysa Si Adagna Uga Horyimid Maayar Soltelco

0
Thursday January 28, 2021 - 10:24:36 in News by
  • Visits: 1782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamed Xaashi Oo Soo Bandhigay Dayaca Ka Muuqda Hargeysa Si Adagna Uga Horyimid Maayar Soltelco

    Siyaasi Maxamed Xaashi Oo Soo Bandhigay Dayaca Ka Muuqda Hargeysa Si Adagna Uga Horyimid Maayar Soltelco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Maxamed Xaashi Oo Soo Bandhigay Dayaca Ka Muuqda Hargeysa Si Adagna Uga Horyimid Maayar Soltelco

Hargeysa(HWN):-Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi ayaa si weyn uga digay in mar kale la doorto maayarka Hargeysa iyo xubnaha golaha deegaanka ee caasimada.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Oo Xukuumadda Somaliland Kula Taliyey Inay Ka Baxdo Wada-hadallada Soomaaliya | Sawrac Media



siyaasi Maxamed Xaashi waxa uu soo bandhigay dhibaatooyin baahsan ee ka taagan caasimada kuwaas oo ay ka gaabisay in dawlada hoose ay wax ka qabato, waxaanu yidhi "caasimada ay madaxdii oo dhami joogto xaaladeedu ma fiicna oo waa caasimad laga seexday, markaad eegto danihii guud ee wax laga qaban lahaa ee dugsiyada iyo danaha kale lagu dhisi lahaa waa la lunsaday oo dano guud oo fayoobi ma jiraan, marka aad hoos u dhaadhacdo waa caasimad aan lahayn laydhadhkii wadooyinka, magacyadii wadooyinka, waa caasimad aan lahayn lambaradii guryaha,wadooyin hagaagsan oo la maro ma laha, kaas madaxtooyada hormara ayuunbaana jira wax gaadhigu si fiican u mari karo, iliiladihii biyo mareenka ma laha, qorshihii magaaladu ma jiro, garoomadii ciyaaraha ma laha."ayuu siyaasi Maxamed Xaashi oo la hadlay Horyaal24tv.

isaga oo hadalkiisa sii wata ayaanu intaas raaciyey "Markii la dhamaystay meelihii looga dhisi lahaa dugsiyada, caruurta yaryar waxa la kiciyaa shanta subaxnimo waayo dugsigii ayaa ka fog oo meel waalidkood ka soo gaadh gaadhi karo maaha, waxaanad arkaysaa caruur wadooyinka ku ciyaaraysa kubadii waayo ma jiraan garoomo ku filani, intaas oo dhibaato ah ayaa ka jirta magaalada Hargeysa."

siyaasi Maxamed Xaashi oo waxa uu soo jeediyey inaan la dooran maayarka iyo xildhibaanada golaha deegaanka haday mar kale isa soo sharaxaan "Waxa igu maqaala ah in maayarkii intaas oo dhibaato ah gaystay ee xukuumadii Siilaanyo ay todobadad sanadood waxba ka qaban waydayd, sadexda sanadoodna uu Muuse ka aamusnaa ayaa hadana la leeyahay dib ayuu u soo noqonayaa, reerkiina soo doorta ayaa leeyahay oo reerkiina ceebtii ayuunbaa lagu wada oo ninkii sidan wax u galay ayaa la leeyahay soo doorta taasna maaha mid reerka qabata, Waxa sababtaas keenay waa nidaam xumida iyada oo aan la waayeyn dad hawshan qabta kuna filan oo wanaagsan."


Loading...
Loading...