Mas'uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa dadka isticmaala baraha bulshada uga digay wararka la faafinayo ee la xiriira xaaladda caafimaad ee Ra'iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, kaasoo aan muddo labo isbuuc ah lagu arkin fagaareyaasha.

.


Hayadda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku share gareeya wax ay ugu yeertay "wararka marin-habaabinta ah" ee ku saabsan caafimaadka Ra'iisul Wasaaraha 44 jirka ah.

NISS ayaa sheegtay in wararka noocaas ah ay khalkhal galinayaan amaanka waddanka.

Goor sii horreysay ayaa warbixin laga soo saaray xafiiska Ra'iisul Wasaaraha shacabka looga dalbaday in ay ka feejignaadaan "wararka la isla dhex marayo ee aan xaqiiqada ahayn".

Maxay tidhi NISS?

Bayaan ay soo saareen saraakiisha taliska laanta sirdoonka, oo lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee dowladda Itoobiya, ayaa lagu sheegay in dadka baraha bulshada warka ku saabsan caafimaadka Abiy Axmed ku faafinaya ay si khaldan u isticmaalayaan xuquuqdooda xorriyadda hadalka.

Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqeen in cawaaqib xumo laga dhaxli karo arrimahaas.

"Laga billaabo hadda, looma dulqaadan doono wararka been abuurka ah ee baraha bulshada lagu hadal hayo, dacwad ayaana lagu soo oogi doonaa qof walba oo lagu helo falkaas khatarta galinaya amniga qaranka iyo jiritaanka waddanka," ayaa lagu yidhi bayaanka.

Hadalka kasoo yeedhay hayadda sirdoonka ayaa daba socday warar aan la xaqiijinin oo ku aaddan nolosha Abiy Axmed.

Markii ugu dambeysay ee uu Dr Abiy Axmed kasoo muuqdo fagaare waxay ahayd markii ay taariikhda uu waddankaas isticmaalo ku beegneyd Talaadadii, 13-kii bishii December, 2013.

Hase yeeshee waxay ahayd labo isbuuc ka hor, oo ah horaantii bishan January.

Itoobiya ayaa xiisad ku jirtay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, tan iyo markii uu dagaal ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

Ciidamada federaalka ayaa bishii November la wareegay gobolkaas, hase yeeshee xoogagga TPLF iyo qaar ka mid ah madaxdooda ayaa wali ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaas.