Midawga Afrika Oo Digniin U Jeediyey Wadamada Soomaaliya Iyo Kenya

0
Thursday January 28, 2021 - 09:55:26 in News by
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Afrika Oo Digniin U Jeediyey Wadamada Soomaaliya Iyo Kenya

    Midawga Afrika Oo Digniin U Jeediyey Wadamada Soomaaliya Iyo Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midawga Afrika Oo Digniin U Jeediyey Wadamada Soomaaliya Iyo Kenya

Dowladda federaalka ayaa sheegtay inay ciidankeeda gacanta ku hayaan Beled Xaawo


Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa ugu baaqay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya in ay wadaxaajood sameeyaan ayna xaqiijiyaan nabadda xadka u dhaxeeya labada dal.

Guddoomiyaha ururka, Moussa Faki, ayaa qoraal uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in nabadgalyada xadka ay muhiim u tahay xasiloonida guud ahaan gobolka.

"Waxaan isha ku hayaa oo ka walaacsanahay xiisadda ka jirta xadka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana labada dal ee dariska ah ku boorrinayaa in ay ka shaqeeyaan dajinta xasaradda, sidoo kalena isugu imaadaan wada xaajood qeyb ka ah dadaalka uu wado urur goboleedka IGAD. Nabadda xadka Kenya iyo Soomaaliya waxay muhiim u tahay xasiloonida gobolka." Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Habeennimadii ay isniinta soo galeysay ayuu dagaal ka qarxay magaalada Beled Xaawo, oo ku taalla gobolka Gedo ee koonfur-galbeed Soomaaliya.

Ugu yaraan 11 qof oo shan carruur ah oo isla dhalatay ay ka mid yihiin ayaa la xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku dhinteen.

 

Labada dhinac ee ku dagaallamay magaalada ayaa guulo kala sheegtay, wuxuuna midba kan kale ku eedeynayaa in weerarka iyo dagaalka uu billaabay.

War-saxaafadeed ay shalay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen weerarkaas oo ay ku tilmaantay dowladdu mid sharci darro ah.

Dhanka maamulka Jubbaland, madaxweyne ku xigeenka koobaad, Maxamuud Sayid Aadan oo BBC Somali la hadlay wuxuu sheegay in "ciidamadooda weerarka lagu soo qaaday ka dibna ay iska caabiyeen".

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay in ay mas'uul ka tahay weerarrada. Hase yeeshee, Kenya ayaa beenisay in ay wax lug ah ku leedahay isku dhacyada xadka, waxayna Midowga Afrika ka codsatay in uu soo dhex galo arrinta.

"Wax lug ah kuma lihiin dagaalka, mana jirin cid ka tirsaneyd ciidamadeena oo u gudubtay dhinaca Soomaaliya, marka ma garan karno waxa ay ugala jeedaan arrintaas, wax lug ah kuma lihiin dagaalka, waa dagaal Soomaaliya dhexdeeda ah " ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, Fred Matiang'i.

Dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa isku khilaafsan hannaanka doorashada iyo gacan ku heynta qaar ka mid ah gobollada xadka la wadaaga Kenya.

Bishii lasoo dhaafay ayey Soomaaliya xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya kaddib markii ay xukuumadda Nairobi ku eedeysay in ay "farogalin qaawan" ku heyso arrimaha Jubbaland. Laakiin Kenya ayaa dhankeeda iska fogeysay eedeyntaas.

Dagaalka ayaa yimid xilli ay dowladda Jabuuti wadday howsha dajinta xiisadda labada waddan ee loogu xil saaray shirkii ay madaxda IGAD yeesheen bishii lasoo dhaafay.

Xaaladda magaalada Beled Xaawo ayaa maanta dagganeyd kaddib dagaalkii dhiigga ku daatay ee shalay aroortii ka dhacay.




Loading...
Loading...