Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo War Soo Saaray Ka Dib Mudo Laga Dayrinayey Xaaladiisa Caafimaad

0
Thursday January 28, 2021 - 09:53:02 in News by
  • Visits: 1665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo War Soo Saaray Ka Dib Mudo Laga Dayrinayey Xaaladiisa Caafimaad

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo War Soo Saaray Ka Dib Mudo Laga Dayrinayey Xaaladiisa Caafimaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo War Soo Saaray Ka Dib Mudo Laga Dayrinayey Xaaladiisa Caafimaad


Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay qoraal soo dhigay barta Twitter-ka xilli maalmihii u dambeeyay baraha bulshada dalkaas laisla dhexmarayay warar ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed


Abiy wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu ku amaanayo hogaamiyeyaasha maamulada Oromada iyo Soomaalida gaar ahaan tageerada ay u muujiyeen dowladda.


Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa la waayay warka Ra'iisul Wasaaraha maadama aanan lagu arkin fagaarayaasha ama baraha bulshada.


Hayadda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku faafiya wax ay ugu yeertay "wararka marin-habaabinta ah" ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra'iisul Wasaaraha.


Hadalkan kasoo baxay dowladda ayaa hadal heyn hor leh dhaliyay taas oo ku saabsan halka uu jiro Abiy Axmed.


Waxaa laisla dhexmarayay warar kala duwan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra'iisul Wasaaraha gaar ahaan in dalka dibaddiisa loogu qaaday xaalad caafimaad darteed gaar ahaan dalka Talyaaniga.


Loading...
Loading...