Xil Ka Qaadistii Madaxweyne Trump Maxay Uga Adkaatay In Maxkamad La Soo Taago?

0
Thursday January 28, 2021 - 09:48:23 in News by
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xil Ka Qaadistii Madaxweyne Trump Maxay Uga Adkaatay In Maxkamad La Soo Taago?

    Xil Ka Qaadistii Madaxweyne Trump Maxay Uga Adkaatay In Maxkamad La Soo Taago?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xil Ka Qaadistii Madaxweyne Trump Maxay Uga Adkaatay In Maxkamad La Soo Taago?

Donald Trump iyo xaaskiisa Melania.


Donald Trump ayaa ka tegay Washington DC ku dhowaad toddobaad ka hor, balse wuxuu weli saameyn weyn ku dhex leeyahay Xisbiga Jamhuuriga ee gudaha Kongareeska.

Tijaabadii ugu horreysay ee lagu sameeyay taageerada loo hayo in maxkamad la soo taago Trump oo loo heysto inuu taageerayaashiisa ku dhiirri geliyay weerarkii ay ku qaadeen dhismaha Kongareeska ee US Capito, waxaa ka soo horjeestay 45 ka tirsan 50-ka senatar ee Jamhuuriga ayaa u codeeyay in la isku dayo joojinta dacwadda ka hor inta aysan bilaaban.

Kaddib codbxinta, Rand Paul, oo gadaal ka riixayay in la laalo dacwad ku soo oogidda, ayaa sheegay in qodobbadii dacwadda ee ay Isniintii keeneen Aqalka Wakiillada ay ahaayeen "kuwo iyagoo meyd ah la keenay".

Aad ayuu u saxan yahay

Waxaa loo baahan yahay in illaa 17 senatar oo ka tirsan Jamhuuriga ay la saftaan 50 Dimuqraaddiyiinta ah si maxkamad loo soo taago madaxweynaha isla markaana cod loogu qaado si looga hor istaago inuu mar dambe qabto xil heer federaal ah.

Codkii shalay la qaaday, keliya shan xildhibaan ayaan u codeynin isku dayga joojinta xil ka qaadista Trump, kuwaas oo xitaa doonayay in la tixgeliyo caddeymaha laga hayo madaxweynihii hore. Waxa ay kala yihiin: Mitt Romney, Lisa Murkowski, Susan Collins, Ben Sasse iyo Pat Toomey.

Inta kale ayaa qaba in madaxweynayaashu aysan wajihi karin xil ka qaadis mar haddii ay xilka ka degaan.

"Codkeyga maanta ee laalidda xil ka qaadista wuxuu ku saleysan yahay xaqiiqada ah in xilka laga qaado qof haya xil dowladeed," ayay tiri Senatar Shelley Moore Capito oo laga soo doorto West Virginia. "Dastuurka awood uma siinayo Kongareeska in ay xil ka qaadis ku sameeyaan muwaadin khaas ah."

Dimuqraaddiyiinta ayaa taas u arki doona qaab looga baxsanayo in lagula xisaabtamo dabeecadda madaxweynaha.

Waxay sidoo kale ka hadli doonaan, inkastoo aysan heer madaxweyne ahayn, in haddana wasiir qarnigii 19-aad uu wajahay dacwad xil ka qaadis ah xitaa kaddib markii uu iska casilay xilka.

Marka la isku geeyo sharraxaaddaas iyo marmarsiyooyinkaas, codkan hadda la qaaday wuxuu caddeyntii ugu dambeysay u yahay in Jamhuurigu aysan taageersaneyn in Trump la saaro mas'uuliyadda weerarkii Capitol ee dhacay saddex toddobaad ka hor.

Wax yar kaddib dhacdadaas, Lindsey Graham - oo ka mid ah xulafada u dhow madaxweynaha ee Aqalka Sare - ayaa sheegya in ficillada madaxweynaha ay ahaayeen "waxa dhibaatada keenaya" haddana uu xilkiisa dhammaaday.

Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Aqalka Sare, Mitch McConnell, ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay dadaallada xil ka qaadista ee Aqalka Wakiillada, toddobaadkii horena wuxuu sheegay in kooxdii weerartay dhismaha Kongareeska uu madaxweynuhu been ka buuxiyay uuna isagu ku dhiirrigeliyay falkaas.

Intaba Graham iyo McConnell waxay shalay u codeeyeen in la soo afjaro dacwad ku soo oogista Trump.

Aragtida is bed-beddeleysa ee Xisbiga Jamhuuriga ee awoodda madaxweynah ayaa waxaa tusaale cad loogu soo qaadan karaa hoggaamiyaha xildhibaannada laga tirada badan yahay ee Aqalka Kevin McCarthy.

Markii ay Aqalka Wakiillada ka socotay dooddii xil ka qaadista labo toddobaad ka hor, McCarthy ayaa sheegay in Trump "uu qaadayo mas'uuliyadda weerarkii Arbacadii" wuxuuna soo jeediyay in Kongareesku uu tallaabo ka qaado madaxweynaha.

Todobaadkii la soo dhaafay, wuxuu sheegay inuusan aaminsaneyn in Trump "uu ka dambeeyay" isu soo baxa, maalmo yar kaddibna, wuxuu sheegay in "qof walba oo dalkaas ku nool lagula xisaabtamayo abuuridda xaalad siyaasadeed oo sababtay weerarkii dhismaha.

Dhanka kale, kuwa ka soo horjeeda madaxweynihii hore ee aan ka laaban hadalladooda ayaa cadaadis xooggan wuxuu ka soo food saaray gudaha xisbigooda.

Liz Cheney, oo cambaareysay madaxweynaha kana mid ahayd 10 xildhibaannada Jamhuuriga ka tirsan oo u codeeyay in Trump xil ka qaadis laga gudbiyo ayaa wajahaysa isku day ah in laga qaado xilka ay heyso.

Kuwo kale ayaa loogu hanjabay inay caqabado la kulmi doonaan haddii ay sanadka soo socda u istaagaan in dib loo doorto.

Kaddib codkii shalay la qaaday, Aqalka Sare ayaa hakin doona arrinta mudo labo toddobaad ah, halka dadka u xil saaran dacwadda xil ka qaadista iyo kooxda sharciga ee Trump ay isku diyaarinayaan kiisaskooda.

Waxa keliya ee Dimuqraaddiyiinta u furan waa inay 100-ka senatar xusuusiyaan cabsida, jahwareerka iyo carada a dareemeen 6-dii January, kaddib markii ay ka carareen dhismaha oo ay koox burcad ah soo weerareen.

Waxay isku dayi doonaan inay mas'uuliyadda weerarkaas qoorta u suraan madaxweyne ay labo bilood ku qaadatay inuu aqbalo natiijada doorashada. Waxay sidoo kale rajeyn doonaan in taariikhda ay xusto dhacdadaas.


Xigasho:-BBCsomali


Loading...
Loading...