Falanqayn:-Ma Soomaaliya Ayaa Khaldan Mise Urur Goboleedka IGAD?

0
Wednesday January 27, 2021 - 19:58:31 in News by
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqayn:-Ma Soomaaliya Ayaa Khaldan Mise Urur Goboleedka IGAD?

    Falanqayn:-Ma Soomaaliya Ayaa Khaldan Mise Urur Goboleedka IGAD?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falanqayn:-Ma Soomaaliya Ayaa Khaldan Mise Urur Goboleedka IGAD?

Muqdisho(HWN):-Khilaaf cusub ayaa ka dhex qarxay dawlada federaalka ah ee soomaaliya iyo Jabuuti, ka dib markii xubno urur goboleedka IGAD u xulay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ay soo saareen go'aamo.
No photo description available.


dawlada federaalka ah ayaa ka hortimid qaar ka mid ah qodobada ay soo saareen guddidii uu urur goboleedka IGAD u xulay dhamaynta khilaafkaas oo u badnaa masuuliyiin ka soo  jeeda wadanka jabuuti.

hadaba Sakariye Axmed oo ah bare jaamacadeed ayaa falanqeeyey cida yeelan karta khaladka jira, isaga oo isbarbardhigay go'aamada ururka IGAD soo saaray iyo halka dawlada federaalka ahi ka taagan tahay.

falanqaynta bare sare Sakariye Axmed ayaana u dhignayd sidan:-
Ma Somalia ayaa qaldan, mise IGAD baa qaldan?.

Cabashada ay dawladda Somalia ka muujisay guddidii IGAD u xilsaartay khilaafka Somalia iyo Kenya, waxa iswaydiin muddan, ma IGAD baa si gaara ugu xushay in toddobada xubnood lix kamid ahi ka socdaan Jabuuti, mise dawladda Somaaliya ayaa kalsooni ay ku qabto Jabuuti u xulatay?

Haddii IGAD ay iyadu u xushay in guddida baddankoodu ka socdaan Jabuuti - waa qalad ay samaysay IGAD, oo waxa suurto gal inay labadda dhinac u arkin dhexdhexaad. Haddii ay Somalia iyadu u xulatay waddan gaara ah innuu waddan kale dhexdhexaadiyo, iyaduna waa qalad ay gashay, oo siyaasad ahaan ma fiicna innaad waddan si buuxda isku siiso, iyada oo danaha siyaasadu si deg-deg ah isku badelaan. Haddaba, bal haynu isdul istaagno qoddobada ay Somalia ka cabanayso siyaasad ahaan.

1. Eedda ah in guddidu diiday inay Mandheera imaadeen, Baled-xaawana diideen inay imaadaan, hadday guddidu arrimo Amni u diideen waa u qiil qummanaan u muuqda, maadaama oo Gobolka Geddo gacan ku hayntiisa aannu horre ugu gacan jirin dawladda dhaxe, oo ay suurto gal tahay in Ciidamada aan ka amar qaadan dawladda dhaxe waxyeelayn karaan guddida. Haddii ay guddidu arrimo aan amniga ahayn tixgaliyeen waa dood kale.

2. Arrinka ah innaan ciidamo Kenyan ahi soo galin xudduudka Somalia, isna waa arrin u baahan in labba daraf laga eego, waa ta koowaad e, ciidamada guddaha Kenya jooga ee dawladda dhaxe ay ku dagaalamayaan Gobalka Geddo waa ciidamo dirayska Somalia wata, oo taabacsan Cabdirashiid Janan, wasiirka Amniga ee Jubbaland.

Haddii ay guddudi ka eegtay dhanka tuudaha ay xidhan yihiin, oo aysan fiiirin yaa dabbada ka abaabulaya, warbixintooda ah maanaan arag ciidamo Kenyan ah oo duulaan ku haya Somalia waxay u muuqan kartaa sax, maadaama guddiyada dhexdhaxaadinta waddamada khilaafka ka dhaxeeyo aysan ku shaqayn tuhun iyo waxaas baa la yidhi - taas baddelkeedana ay ka go'aan qaataan waxa indhahooda u muuqda.

- Siyaasadda qabaw ee waddamu ku hardamaan ayay ka mid tahay in waddan isla guddihiisa layku addeegsado, guddiyada dhex dhexaadiya waddamuna sharciyan waxay eegaan waxa u muuqda, sidda in waddankaasi waddanka kale ka haysto dhul, ciidamo dagaal lagu qabtay iyo duulaan toos ah. Dawladda Somalia waxa la gud-boon in iyadu siyaasadeeda guddaha wax ka qabato oo ay la heshiiso maamul-gobaleedka loo soo dhex marayo, oo ay horraba u sheegtay dawladda Somalia in maamul-gobaleed loo soo addeegsanayo.

Haddii Somalia dhex u arki wayday guddida, maxaa la gud-boon IGAD?

IGAD, waxay samayn kartaa inay wax ka beddel ku samayso guddida oo lagu soo daro waddamada kale ee xubnaha ka ah, sidda, Uganda, Suudaan, Eritrea ,South Sudan iyo Ethiopia oo marka horaba xog-haya guud kaga jiray guddida. Somalia waxa kale oo la gud-boon in ay u gud-biso ururka Midawga Africa khilaafka iyada iyo Kenya ka dhaxeeya.

Loading...
Loading...