Xukuumadda Oo UN-Ka Kala Hadashay Arrimo La Xiriira Bani'aadnimada

0
Wednesday January 27, 2021 - 14:20:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo UN-Ka Kala Hadashay Arrimo La Xiriira Bani'aadnimada

    Sidoo kale waxaa la is lagartay in la xoojiyo Arrimaha bani'aadinimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale waxaa la is lagartay in la xoojiyo Arrimaha bani'aadinimo



Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaraanka Jamaal Maxamed Xasan oo maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda kulan kula qaatay xubano ka socday xafiiska UN-ka ee Soomaliya oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka wakiilka QM-Soomaaliya Mr Adam Abdelmoula, ayaa looga hadlay dar-dar galinta shaqooyinka arrimaha bani’aadinimada, horumarinta dhinacyada arrrimaha bulshada iyo deggaanka.



 

Kulanka waxaa uu ahmiyad gaar ah lagu siiyay howlgalinta qaab-dhismeedka xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya, kaas oo dar-dar galinaya howlo baaxada leh ee ku cad Qorshaha Hourmarinta Qaranka iyo Istaraatijayada UN-Soomaaliya 2021-2025.


Sidoo kale waxaa la is lagartay in la xoojiyo Arrimaha bani’aadinimo ee haatan jira, sida in xarunta ka jawaab celinta dhibaatooyinka in ay si buuxda u shaqeyso, iyo xoojinta adeegyada nimdaamka dalka.


 

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaayay in ay qeyb ka noqoto xafiiska UN-ka ee Soomaaliya isku-duwida ay hoggaanka u tahay dowladda (Government led-Coordination).

Loading...
Loading...