Dawlada Soomaaliya Oo Khilaaf Cusubi Ka Dhex Bilaabmay Jabuuti Oo Ay Ku Eedaysay Inay Kenya La Safatay

0
Wednesday January 27, 2021 - 13:49:43 in News by
  • Visits: 1476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Khilaaf Cusubi Ka Dhex Bilaabmay Jabuuti Oo Ay Ku Eedaysay Inay Kenya La Safatay

    Dawlada Soomaaliya Oo Khilaaf Cusubi Ka Dhex Bilaabmay Jabuuti Oo Ay Ku Eedaysay Inay Kenya La Safatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Khilaaf Cusubi Ka Dhex Bilaabmay Jabuuti Oo Ay Ku Eedaysay Inay Kenya La Safatay

Muqdisho(HWN):-Wasiirka warfaafinta Somalia, Cismaan Dubbe oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dawlada Somalia aad uga xuntahay warbixinta ay soo saareen guddidii uu ururka IGAD u saaray khilaafka Somaaliya iyo Kiiniya. Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti la safatay Kenya.
May be an image of 1 person



Wasiirku waxa uu sheegay in Shirkii IGAD ee Jabuuti ka qanbsoomay loo saaray guddi dhexdhexaadisa khilaafka labada dhinac. Guddida oo ka koobnayd toddobo xubnood oo ka socday Jabuuti iyo hal xubin oo ka socday ururka IGAD. lixda xubnood ee Jabuuti ka socday ayuu wasiirku sheegay inay kala ahaayeen, safiirka Jabuuti u fadhiya Kenya, Yaasiin Cilmi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti, Aadan Xasan Aadan, Gen. Daahir Cali, oo ka tirsan Ciidamadda Jabuuti, Gen. Cali Aadan, Kornayl Maxamed iyo Kornayl Xuseen Idiris iyo xoghaya guud ee IGAD.

Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya aad uga xuntahay in warbixinta kasoo baxday dhexdhexaadintii labbada dhinac, Jabuutina ay la safatay hal dhinac. Wasiirka ayaa sheegay in warbixinta lagu sheegay waxyaabo baddan oo liddi ku ah qaranimada Soomaaliya, sida in;
- Soomaaliya ku qaldantahay hawadda, oo Soomaaliya ay kala saari wayday diyaaradaha xamuulka, rakaabka iyo diyaaradaha ciidanka.
- Ciidamada Kenya inaanay hawadda Soomaaliya soo galin.

- innaan arinta xidhiidhka ay Soomaaliya u jartay Kenya la xidhiidhin arrinta hadda taagan ee ay tahay arrimo horre oo u dhaxaysay labbada waddan.
- innaan Ciidamada Kenya ka qayb ahayn dagaalka ka socda gobalka Geddo.

- In ay guddi warbixin ka urursaday Magaaladda Mandheera, diidayna inay imaadaan dhanka Beled-xaawo, dawladda Soomaaliya ay u fidisay inay tagaan dhanka Soomaaliya, oo dawladda Soomaaliyana qaabishay diyaaradaha ay ku tagayaan, balse ay ka dhago adaygeen.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay jabiyeen duulaan ay soo qaadeen Ciidamada Kenya oo adeegsanaya dabo-dhilif Soomaaliyeed.
Wasiir Cismaan Dubbe waxa uu haddalkiisa kusoo gabo gabeeyay in ay dawladda Soomaaliya ka xuntahay in dawladda Jabuuti oo cilaaqaad soo jireen ahi la safato Kenya. Waxa la sugayaa sidda ay uga jawaabto eedaymahan dawladda Jabuuti.
Loading...
Loading...