Muuse Biixi Oo Go'aan Qalafsan Kaga Hortagay Damaca Cabdikariin Axmed Mooge Ku Doonayo Maayarka Hargeysa

0
Wednesday January 27, 2021 - 13:10:51 in News by
  • Visits: 3957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Go'aan Qalafsan Kaga Hortagay Damaca Cabdikariin Axmed Mooge Ku Doonayo Maayarka Hargeysa

    Muuse Biixi Oo Go'aan Qalafsan Kaga Hortagay Damaca Cabdikariin Axmed Mooge Ku Doonayo Maayarka Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Go'aan Qalafsan Kaga Hortagay Damaca Cabdikariin Axmed Mooge Ku Doonayo Maayarka Hargeysa

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa si cad u hor istaagay damaca uu siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge ku doonayo inuu noqdo maayarka magaalada Hargeysa.
Maxaa kala qabsaday Madaxweyne Muuse Biixi iyo Cabdikariim Axmed Mooge? | Aftahan News



xidhiidhiyaha xisbiga Waddani ee qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Cismaan Cumar Dool ayaa waraysi uu siiyey Hadhwanaagnews ku soo bandhigay kulan dhexmaray Muuse Biixi iyo Cabdikariim Axmed Mooge oo ku soo dhamaaday natiijo la,aan.

xidhiidhiye Dool oo ka waramaya kulankii dhexmaray labada dhinac ayaa waxa uu yidhi "Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu u dhaxeeyey sadexda xisbi isaga oo sheegay inuu doonayo maayarka magaalada Hargeysa, wuu u tagay xisbiga Kulmiye oo uu ugu jeclaa inuu ka soo tartamo waanu hor fadhiistay madaxweyne Muuse Biixi oo uu u sheegay hankiisa, isaga oo dareensiiyey hankiisa waxaanu ku yidhi madaxweyne adiga ayaa dalka haysta qofka maayarka caasimada noqonayana saamayn ayaad ku yeelanaysaa, xisbiga Kulmiye ayaanan iska soo sharaxayaa maayarnimo ayaanan doonayaa ee maxay kula tahay."

jawaabtii uu madaxweyne Muuse Biixi ka bixiyey dalabka Cabdikariin Axmed Mooge oo uu xidhiidhiye dool soo bandhigayo ayaa waxa uu yidhi "Madaxweynuhu wuxuu ku yidhi waad iska soo sharixi kartaa laakiin anigu maayarnimo aan kuu balanqaadayaa ma jirto, halkaasna waxa ka dhacay kala kac oo Cabdikariim waxa uu ku yidhi madaxweynaha waad ka shaqayn kartaa waanad ka shaqayn doontaa cida noqonaysa, madaxweynahana odhan mayno been ayuu sheegayaa laakiin Cabdikariim ayuu diidaanaa oo waa la ogyahay inuu saamayn ku leeyahay maayarka soo bixi doona, waxaanu Muuse Biixi ku dedaalayaa in maayarka laga dhigo qofka uu isagu doonayo."

sidoo kale xidhiidhiyaha xisbiga Waddani waxa uu ka hadlay qorshihii uu Mooge ku tagay xisbiga Waddani "qorshaha labaad ee Cabdikariin u dejisnaa waxa uu ahaa inuu iska soo sharaxo xisbiga Waddani, sidaas ayaanu xisbiga ku yimid loomana garaabin ee waatii la ogaa wixii cay ku dhacaysay taas oo ka turjumaysa xumaanta bulshada la dhex dhigay ee ah in qofkii xisbiga Waddani ku biira lagu dhaleeceeyo waa qabiili qofkii Kulmiye tagana waa ehlu sharaf."


Loading...
Loading...