Proff Gees Oo Ka Waramay Sidii Aanu Madaxweyne Cigaal Hanti Uga Samaysan Mudadii Uu Xilka Hayey

0
Wednesday January 27, 2021 - 13:04:49 in News by
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Proff Gees Oo Ka Waramay Sidii Aanu Madaxweyne Cigaal Hanti Uga Samaysan Mudadii Uu Xilka Hayey

    Proff Gees Oo Ka Waramay Sidii Aanu Madaxweyne Cigaal Hanti Uga Samaysan Mudadii Uu Xilka Hayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Proff Gees Oo Ka Waramay Sidii Aanu Madaxweyne Cigaal Hanti Uga Samaysan Mudadii Uu Xilka Hayey


Hargeysa(HWN):-Wasiirkii hore ee arimaha debada somaliland Maxamed Siciid Gees ayaa ka hadlay taariikho kala duwan oo uu la soo maray hogaamiyihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
Dharaaro Xusuustood:



Proff Gees ayaa soo bandhigay dhacdooyin muujinaya qaabkii uu madaxweyne Cigaal iskaga ilaalin jiray hantida dalka iyo masuuliyiin uu ka qaaday xilalkii ay hayeen ka dib falal musuq maasuq oo ay ku kaceen.

Proff Gees oo u waramay telefishanka Maan tv ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Hadii aad doonayso inaad taajir noqoto siyaasada ha gelin ayuu odhan jiray, waxa uu arkay nin uu jeclaa oo wasiir ah oo wax qaad qaadaya,wuu u yeedhay waxaanu ku yidhi adeer siyaasada lacag lagama sameeyee waa la galiyaa adigana waxaan kuu samaynayaa mashruuc aad lacag ka heshide siyaasada iskaga bax, waanu ka qaaday xilkii wasiirnimo, Cigaal isaga oo aan shilin haysan ayuu dhintay gurigiisiina wali wuu dunsan yahay oo muu dhisin, qofka masuulka ahina ama dalbuu dhisayaa ama isaga ayaa is dhisaya."
Proff Gees oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Hadii aad fooqyo iyo guryo dhisanayso iskaga bax siyaasada, anigu waxaan arkaa qaar guryo dhistay oo wali ka hadlaya siyaasada, oo sawdigan guryaha dhistay maxaad u qabatay dadka waxba ma yaalaan meeshee, hadaad afar guri oo dhaadheer dhisatay walina aad siyaasada ku sii jirayso ma shaqaynayso."

Proff Gees waxa kale oo uu ka waramay sida aanu Cigaal uga faa,iidaysan awoodii qaranka ee uu gacanta ku hayey "Cigaal gurigiisii oo dunsan ayuu dhintay guri kale oo uu magaalada ku lahaana muu jirin kuwiisii hore-na wuu iibsaday, taas macnaheedu waxa weeyaan in wixii yaraa ee la hayey umada wax loogu qabtay laakiin hadaad sida madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi oo fooqa ugu dheer Xamar ka dhistay oo isagu leeyahay, ama umada dhis ama adigu is dhis, Cigaalna umadan ayuu dhisayey isaga oo xataa lacag uu inankiisu soo shaqaystay oo uu u dhiibtay ayuu ku yidhi meel bay ku baxdee orod iska tag oo uu dalka galiyey."

Loading...
Loading...