Konton Sanno Ka Dib Bay Si Kadis Meel Ugu Kulmeen

0
Tuesday March 05, 2019 - 16:49:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Konton Sanno Ka Dib Bay Si Kadis Meel Ugu Kulmeen

    Waa badhtamaha suuqa Hargeysa, waxaanu makhaayada ku kulanay odayaal aanu sheekada isku darsanay oo qaarkood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa badhtamaha suuqa Hargeysa, waxaanu makhaayada ku kulanay odayaal aanu sheekada isku darsanay oo qaarkood  aanu saaxiib nahay, waxay sheekadii nala tagtay kontomaadkii iyo Hargeysa, waxa nooga sheekaynaya xaaji aanu saaxiibnahay oo Hargeysa oo afar cariisha garanaya, waxa goobtii soo fadhiistay oday isna saaxiibkey la da’ah oo Hargeysadii hore ahaa, sheekadii noo socotay ayuu nala qabsaday, isna waayadaasi buu ka sheekeeyey, labadii oday baa si fiican jaanta iskula helay oo ka sheekeeyey wakhtiyo Hargeysa xaafad uun ahayd, sheekadu midkood keenaba ka kale wuu la garanaya, labaduba todobaatanadii bay Carabta u dhoofeen, iyagoo odayaal ahna dalka way ku soo noqden, waxay ka sheekeeyeen meel lagu kireyn jirey baaskiiladaha oo Hargeysa caan ku ahayd oo da’dii ku dhashay uun ay garanayaan, labadoodii baa isku yidhi waar malaha isku da’ baynu ahayn balse mid baa diiday oo yidhi mayee toban baa iga wayn tahay qiyaastii, kii Carabta ku dambeeyey ayaa u muuqda inuu ka da’ yar yahay kii kale.


Sheekadii baa la soo gashay cuudka la garaaco iyo kamanka iyo da’doodii dadkii u garaaci jirey iyo heesihiii waagaasi Hargeysa u shidnaa, mid ka mid baa yidhi "raggii raga aha ee bahalka tumi jirey nin aanan la qayilin oo aan ii tumin muu jirin, xudaydi, Guroon jire, Cumar Dhuule iyo rag kale oo badan " xaajigii kale isna yidhi anigu maalin dhowayd baan iibiyey Cuudkii aan tuman jirey oo milyan iyo laba boqol SLSH aan siiyey, bahal qaali ah oo aan sucuudiga ka soo iibsaday buu ahaa. Kii kale yidhi cuudka ama Kamanka ka ugu fiican waxa lagu sameeyey Ciraaq, wuxu ka sheekeeyey dhamaan dalalka Carabta wadan kasta inuu dalxiis ku tagay oo uu muddo joogay.

Odaygii nagu cusbaa yidhi "maalin dhowayd anigoo gaadhi tagsi ah la socda ayaa waxa soo galay heestiii Maxamed Yuusuf ee heblaayo, wakhti duhur ah oo duruuruhu isku gadaameen qoraxda ayey ahayd, neecow macaan baa socotay, heestii iyo jawigii baa isku soo baxay, toddoba sanno oo Hargeysa joogay jawigaasi oo kale maan arag., wiilkii gaadhiga watay baan ku idhi inta heestaasi dhamaanayso isoo warwareeji lacagta waan ku kordhine, wuxuu jawigaasi I xasuusiyey bari samaadkii iyo Hargeysidii aan aqaanay caynkay u eekaan jirtay.

Hees kasta oo la soo hadal qaadaba way wada qaadayaan si fiicana bay iskula jiibinayaan, aniga laftaydu sheekooyinkii aan bowsaday baan ku dhex darsanayaa oo qiirada u macaanaynayaa, markaasaan idhi "soo kii la lahaa Cumar DHuule bahalka si weyn u tumi jirey oo xiitaa magaciisa kaga dhowaajin jirey, markaasay ii bilaabeen ragii tumay jirey iyo taariikhdoodda.
Odaygaasi nagu cusub ayaa yidhi "qolo aanu saaxiibnahay baa yidhi intaas baad fanka ku dhex jirtee maxaad hees u samayn wayday, waxaan sameeyey hees aan qariyo oo aanan dadka u sheegin waayo dadku waxay ku odhan waar afartan sannaad maqnayde ma hees baad la timid, halkiii buu hees midho macaan oo uu sameeyey noogu tiriyey, haseyeeshee wuxuu sheegay in aan la tumayn oo cidna maqli doonin.

Waxa kale oo uu nooga sheekeeyey nin ka codsaday inuu xaaskiisa hees amaan ah oo ay iyadu ka dalbatay uu u sameeyo,afar ley uu ninkaasi u sameeyey buu halkaasi qac nooga siiyey, abwaan noo dhuuntuu noqday.

Sidii ay sheekaba sheekeo ugu dhiibaysay ayey is toydeen,wayba is garteen waar ma hebel baad tahay iyo ma hebel baad tahay, waxa ka sii daran markay talefoonada kala qoraneyeen mid waliba ka kale wuu u save garaysnaa hadana may wada hadal oo mid walinba nin kale ayuu ka qortay telefoonkiisa, labadii nin isku classmate bay ahaayeen oo ardaydii ugu horeeysay ee wax baratay bay ahaayeen, way isku dhegdhegeen, kadibna ninkii nagu casbaa baa xaajigi kale casuumay oo kaxeeyey, dadkii meesha fadhiyey ee sheekada la socda baa yaabay siday isku garteen iyo sidii markii hore aanay isku garayn iyo konton sanno dibadii halka ay iska heleen, barisamaad wacnaayee iyo noolaa ka batay.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...