James Swan Oo La Kulmay Wasiirka Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

0
Wednesday January 27, 2021 - 09:25:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Swan Oo La Kulmay Wasiirka Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus



Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa la kulantay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya danjire James Swan.



 

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%, ilaalinta xuquuqda aadaha xilliga doorashada iyo arrimo kale oo muhiim u ah iyo xoojinta wada shaqeynta wasaaradda iyo hey’adaha Qaramada Midoobay ee wasaaraddu bah-wadaagta yihiin.


 

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wadahadlay dardar gelinta shaqada xarunta u qareemidda qoonddada haweenka ee ugu yeraan 30% oo dhowaan wasiirku xarigga ka jartay.


 

Kulanka ayaa imaanaya, xilli wasaaradda haweenka waddo dadaalo ay ku xaqiijinayso qoonddada haweenka ee 30% oo ay ku leeyihiin baarlamaanka 11 aad ee doorashadiisa loo madlan yahay.

Loading...
Loading...