Musharaxiinta Soomaaliya Oo Qoraal Deg Deg Ka Soo Saaray Dagaalka Balad-Xaawo

0
Wednesday January 27, 2021 - 09:21:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxiinta Soomaaliya Oo Qoraal Deg Deg Ka Soo Saaray Dagaalka Balad-Xaawo

    Musharaxiinta oo Qoraalka ay soo saareen uu yahay mid loogu tala-galay Beesha Caalamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxiinta oo Qoraalka ay soo saareen uu yahay mid loogu tala-galay Beesha Caalamka



Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwo uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan.



 

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa waxaa ay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyeen dagaalkii ka dhacay Balad-xaawo, iyagoona sheegay inuu diidan yahay xal ka gaarista arrinta Gedo.


 

Musharaxiinta oo Qoraalka ay soo saareen uu yahay mid loogu tala-galay Beesha Caalamka ayaa lagu sheeagay in weli aan xal buuxa laga gaarin khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa 2021 ee lagu heshiiyay.


Sidoo kale Musharaxiinta ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in xal laga gaaro caqabadaha ku hor gudban doorashada, iyagoona xusay in aad uga walaacsan yihiin in dowladda aysan wadi dadaalo lagu xalinayo muranka jira.


 

Dhinaca kale Musharaxiinta ayaa qoraalkooda ay soo saareen ku sheegay in ay soo dhaweynayaan dadaalada ay wado Beesha Caalamka, isla markaana ay ku dooneyso in lagu xaliyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka.


 

Dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degmada Balad-xaawo, waxaana dowladda Federaalka sheegtay in Ciidanka weerarka degmadaas kusoo qaaday ay ahaayeen Jabhad ay soo hubeysay Kenya, hayeeshee laga hortegay.

Loading...
Loading...