Mudanayaasha Jamhuuriga oo ku hagoogtay Trump

0
Wednesday January 27, 2021 - 08:13:06 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudanayaasha Jamhuuriga oo ku hagoogtay Trump

    WASHINGTON, D.C(HWN):-Marka laga reebo shan mudane, dhammaan xubnaha xisbiga Jamhuuriga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASHINGTON, D.C(HWN):-Marka laga reebo shan mudane, dhammaan xubnaha xisbiga Jamhuuriga

WASHINGTON, D.C(HWN):-Marka laga reebo shan mudane, dhammaan xubnaha xisbiga Jamhuuriga u matala Aqalka Senatka Mareykanka ayaa Talaadadi diiday dacwadda xil-ka-xayuubinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.
Hoolka Golaha Odayaasha


Diidmada ay diideen 45-ka mudane ee Jamhuuriga ah ayaa ka dhigan, in xildhibaanada Dimoqraadiga aysan heli doonin cod ku filan oo ah 67, si Trump ay Golaha Odaasha ugu sameeyaan xil ka qaadis isaga oo xafiiska ka maqan, taasoo haddii ay dhacdo halis gelineysa in madaxweynihi hore uusan mar danbe Mareykanka ka qaban xil heer federal ah.

Aqalka Wakiillada ayaa Trump xilka ka qaaday markiisii labaad, maalmo yar ka hor inta uusan xafiiska ka tagin, kaddib marki ay ku heleen danbi ah "Kicin fal lagu ridi rabay dowladda”.

Mudanayaasha dimoqraadiga oo hadda leh Aqlabiyadda Senantka isla markaana heysta 51 xildhibaan, ayaa dhanka Jamhuuriga uga baahan in ay ka helaan 17 mudane. Xubnaha Jamhuuriyiinta ee Sanetka ayaa ah 50 mudane.

45-ka mudane ee diidday in Aqalka Odayaasha dacwado kusoo oogo Trump, ayaa u cuskaday in aanan xil laga qaadi karin madaxweyne aanan xafiiska joogin. Waxay kaloo sheegeen in tallaabadani ay sii dheereyn karto kala qeybsannaanta xagga siyaasadd ee Mareykanka.

Xigasho:-VOA-Somali

Loading...
Loading...