Wefti uu Hoggaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Oo Gaadhay Deegaanka Warshadaha Ee Dhagaxle

0
Wednesday January 27, 2021 - 08:03:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti uu Hoggaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Oo Gaadhay Deegaanka Warshadaha Ee Dhagaxle

    Wefti uu Hoggaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Oo Gaadhay Deegaanka Warshadaha Ee Dhagaxle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti uu Hoggaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Oo Gaadhay Deegaanka Warshadaha Ee Dhagaxle


Hargeisa(HWN):-Wefdi ganacsatada reer Somaliland ah oo ku sugan dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa kormeeray deegaanka waxsoosaarka wershedaha ee Dhagaxle.

Wefdigaasi waxa hogaaminayay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid iyagoo maalmahii u dambeeyay ku sugnaa dawlad deegaan, halkaana kaga qayb galay shirka maalgashiga ee dawlad deegaanka ayaa kormeeray deegaanka Dhagaxle oo caanku ku ah waxsoosaarka wershadaha.



Nimcaan Daahir Maxamed oo ah mulkiilaha wershadda Biyaha iyo cunooyinka ee BLC ayaa ganacsatada reer Somaliland warbixin ka siiyay maalgashiga ay halkaasi ka sameeyeen.

Sidoo kale wasiirka Maalgashiga dawlad deegaanka Cabdisalaan Yuusuf ayaa ganacsatada reer Somaliland kusoo dahweeyay halkaasi isagoo sharxay fursadaha maalgashi ee halkaasi ka jira.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid ayaa ugu dambayn u mahad celiyay masuuliyiinta dawlad deegaanka ee kusoo dhaweeyay deegaanka Dhagaxle, isagoo bogaadiyay dhalinyarada kala maalgashiga ka sameeyay dawlad deegaanka.

Loading...
Loading...