Muxuu Midowga Afrika ka yidhi Xiisadda Xadka Soomaaliya iyo Kenya?

0
Wednesday January 27, 2021 - 07:55:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Midowga Afrika ka yidhi Xiisadda Xadka Soomaaliya iyo Kenya?

    Muxuu Midowga Afrika ka yidhi Xiisadda Xadka Soomaaliya iyo Kenya?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Midowga Afrika ka yidhi Xiisadda Xadka Soomaaliya iyo Kenya?

ADDIS ABABA(HWN):-Guddoomiyaha Guddiga Midnimada Africa Muusa Faki Mahamat ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xiisadda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.


Muusa Faki Mahamat ayaa farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka ku sheegay inuu ugu baaqayo labada waddan ee deriska ah inay muujiyaan dulqaad ayna wadahadal yeeshaan, iyagoo raacaya hannaanka wadahadal ee urur Goboleedka IGAD.


Muusa Faki Mahamat waxa uu sheegay in nabad ka jirta xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka.

Hadalka Guddoomiyaha guddiga maamulka hawlaha Midowga Afrika ayaa imanaya maalin kadib markii dagaallo ay ka dheceen magaalada Beled Xaawo ee dalka Soomaaliya oo ku taalla meel u dhow xuduudda Kenya.

Dagaalladan ayaa dawladda Soomaaliya sheegtay inay soo qaadeen "jabhad fallaago ah oo ay soo hubaysay Kenya ayna weheliyeen ciidamada Kenyaā€¯.

Dawladda Kenya oo iyaduna war-saxaafadeed kasoo saartay dagaalkaas ayaa u muuqatay inay beeninayso inay wax door ah ku leedahay dagaalkaas. Kenya waxay sheegtay inay u muuqatay in dagaalku uu u dhexeeyo ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa Jubaland.

Soomaaliya ayaa bishii hore xiriirka u goysay Kenya oo ay ku eedaysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kenya ayaa beenisay eedahaas.

Loading...
Loading...