Ujeedada Dhambaal Uu Madaxwayne Farmaajo Udiray Shaqaalaha Somaliya.

0
Wednesday May 01, 2019 - 11:37:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Dhambaal Uu Madaxwayne Farmaajo Udiray Shaqaalaha Somaliya.

    Muqdisho (HWN) Madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa dhambaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (HWN) Madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah udiray munaasibada maalinta shaqaalaha awgeed shaqaalaha Dalkiisa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Hadhwanaagnews, waxaanu qoraalkaasi udhignaa sidan:-


Munaasabada Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed oo maskax iyo muruqba geliyey dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna.



Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyagoona saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.


Inkastoo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeynayeen duruufo adag sanaddadii la soo dhaafay, haddana waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyagoona fashaliyey yoolka argagixisada Alshabaab ee ku aaddan kala dhantaalidda rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed.


Waxaan ka tacsiyeynayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee maskaxdooda iyo muruqooda iyagoo ugu adeegaya dalkooda iyo dadkooda ku naf waayey falalkii ay argagixsada soo maleegtay.


Dowladdu waxa ay xoogga saartay dhammeystirka shirciga shaqaalaha oo xaqiijinaya in ay ku shaqeeyaan xuquuq dhammeystiran iyo deegaan shaqo oo fayoow.


Sidoo kale, waxaan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaarad ku filan nolashooda, taasoo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna.

Waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah, si aan u adkaynno xuquuqda shaqaalaha, horumarka iyo wada jirka umaddeenna.

DHAMMAAD


Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirisaaq Jaamac Cilmi (Black)
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

Loading...
Loading...