Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Go'aamo ku soo rogtay Shirkaddaha Dhismaha Ee Dalka

0
Tuesday January 26, 2021 - 22:20:02 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Go'aamo ku soo rogtay Shirkaddaha Dhismaha Ee Dalka

    Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Go'aamo ku soo rogtay Shirkaddaha Dhismaha Ee Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Go'aamo ku soo rogtay Shirkaddaha Dhismaha Ee Dalka

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Somaliland, ayaa wareegto ay soo saartay ku joojisay in dalka laga dhiso dhisme aanay wasaaraddu Ansixin naqshaddiisa.


Wareegto uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Jamaal Cabdi Muuse, waxa lagu sheegay in wixii taariikhda waraaqdu soo baxday ka bilaabma aanay jiri doonin Cid aan Liisan dhisme haysan oo shaqada Dhismaha ku shaqaysa, waxaana loogu baaqay Shirkadaha dhismaha iyo Cid kasta oo xirfadda dhismaha ku shaqaysata inay iska diiwaangeliyaan oo liisanka Shaqada ka doontaan Wasaaradda.


"Cid kasta oo wax dhista oo aan ka diiwaangashayn Wasaaradda Hawlaha Guud waa inay is-diwaangeliyaan sida ugu dhakhsaha badan, wixii hadda ka dambeeya wasaaradda hawlaha guud ma ogolaan doonto inay wax ka dhisto Cidda aan haysan Liisan wax dhisid dhammaan Gobollada dalka,” Siddaana waxa lagu yidhi Wareegtadda ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha guud.

Shirkadaha Dhismaha ayaa lagu war-geliyey inay Naqshadda Dhismaha ay fulinayaan u gudbiyaan Wasaaradda si loo Ansixiyo.

"Shirkadaha dhismaha waxa la farayaa inay keenaan Naqshadda Guri kasta oo ay u samaynayaan, hadduu yahay Dawlad iyo Shicibba, Guri kasta oo la dhisaayo waxa Naqshaddiisa laga soo Ansixinayaa Xafiiska dhismaha ee Wasaaradda hawlaha guud,” Sidaas ayaa lagu yidhi Wareegtada ka soo baxday Wasaaradda Hawlaha Guud.

Loading...
Loading...