Maxamed Siyaad Barre iyo Jabhadihii Yaa Guulaystay?..W/Q Cabdixakiin Marayare

0
Tuesday January 26, 2021 - 21:02:13 in Articles by
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Siyaad Barre iyo Jabhadihii Yaa Guulaystay?..W/Q Cabdixakiin Marayare

    Maxamed Siyaad Barre iyo Jabhadihii Yaa Guulaystay?..W/Q Cabdixakiin Marayare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Siyaad Barre iyo Jabhadihii Yaa Guulaystay?..W/Q Cabdixakiin Marayare
26.01. 1991 ma taliskii nacabka ahaa ee Maxamed Siyaad baa laga guulaystay, oo jabhadihii baa guulaystay? Waa la qirsan yahay bahalnimadii Maxamed Siyaad iyo macangagnimadii in ay sababtay gadoodkii shacabka ee Jabhaduhu Horkaceen, waxa se sartu qudhmaysaa kolka la isweydiiyo Jabhaduhu ma uga sii dareen xaaladdii taagnayd ee kelitaliska, cabbudhinta, sadbursiga, caddaaladdarrada, gumaadka iyo hoogga ahayd? Haddii ay uga sii dareen ma guul baa lagu tilmaami karaa? Ma la odhan karaa Jabhadihii iyo Maxamed Siyaad way isku barbardhaceen, dadkuna wuu khasaaray? Si walba haddii la isu gu dardaro, dhinac walba na loo rogrogo liiska guulaysteyaasha dadweynuhu ku ma jiraan.
May be an image of 1 person, hair and standing



Waxa isu celceliyey colaado, burbur qaxooti, barakac iyo gumaad kii hore ka dadaal iyo arxandaran oo ku laxaadsaday. Waxa salka loogu dhaadhacay gunta ugu hoosaysa ee haadaantii Maxamed Siyaad dalka u carraabiyey. Sidiisii baa loo bahaloobay oo dadka la xasuuqay, tabtii kacaanka ayaa la isdulmiyey. Maatidii waxay afka saartay saxaraha iyo albaabada safaaradaha reer Galbeedka. Waxa gudaha dalka ku dhexsilcay danyar iyo ubad dabka la saaray. Waxa la saanyaday qabiil iyo gobolaysi dad tiro yari dheefsadaan.

Gobol walba waxa colaad ka huriyey jabhadihii Maxamed Siyaad beddelay oo dawlad iska daayee hal degmo dhinac isugu duwi kari waayey.
Hargeysi si kasta oo ay nabad u heshay, dadkuna u dadaalay waxa cunaha kaga maran SNM oo gaamurtay. Colaaddii Isaaqa ee 1994 waa dhuxul hoosta ka nool oo dambas la huwiyey. Wanaag kasta oo dalka yaalla waa qayb kamid ah dadaallo shakhsiyadeed ee maamul ahaan waa fikirkii Kacaanka ee Ina Siyaad Barre aabbaha u ahaa.

Xamar soddonkii sanno ee dawladdu ka maqnayd waxa ay noqotay xuddunta dhimashada iyo xerodhiigta aadmiga, waxaana ka dhacay dhacdooyin labaatan iyo kowdii sannadood ee Maxamed Ina Siyaad aan dhicin. Yaa guulaystay?

Waayo cidda guul sheegan karta ee guulaysatay.

Qalinkii Cabdixakiin Marayare

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...