Aabaa Yaabay:-Qaybtii 2aad Kuwii La Magacaabay Oo Waalidkood Suudh Waydiiyey

0
Tuesday January 26, 2021 - 13:51:55 in Articles by
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabaa Yaabay:-Qaybtii 2aad Kuwii La Magacaabay Oo Waalidkood Suudh Waydiiyey

    Aabaa Yaabay:-Qaybtii 2aad Kuwii La Magacaabay Oo Waalidkood Suudh Waydiiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aabaa Yaabay:-Qaybtii 2aad Kuwii La Magacaabay Oo Waalidkood Suudh Waydiiyey


Kii yaraa ee Madaxweynuhu Agaasimaha Guud u magacaabay ee Guuleed Yare markuu Qadadii guriga ku soo noqday wuxu canaan iyo qaylo ku bilaabay Hooyadii.Hooyo dhamaan inamadii la magacaabay saaka dhar bay suuqa ka iib sanayeen oo Hooyooyinkood iyo Aabayashood baa lacag siiyey.caawana asxaabtii ayey casuumado u samaynayaan ee Annigu kama liitee Annigaa iska bixin doonee deg deg Kun Doolar oon dhar ku soo iibsado iyo kun Doolar oon caawa asxaabtaydii ku casuumo ii raadi.


Hooyadii baa yaabtay.oo Hooyo ma haysaaba miyaanad i odhanayn.Guuleed Yare dhagahiisu waxaa ma maqlayaan.Wuxu ku qaylinayaa inamada kale kama liitee Annigaa iska bixine meel uun iiga keen.

Hooyadii waxay bilowday calaacal iyo muusanow.Mar inankeedii bay hiifaysaa.Mar fara madhnaanteeda ayey karhaysaa.Marna Madaxweynahan inan yar oo ciyaala oo gurigii Hooyadii jooga oo maalina shaqo tagin xilka umada ku taagay ayey la yaabaysaa.

Guuleed yare wuu kala hadlayaa Hooyo Guri ban markaba inoo dhisi.lakin ugu horeyn Baabuur ban iibsan.Wuxu Hooyadii u sheegayaa inuu Inankii Macdarka Baabuurta la hadlay oo uu ku yidhi Baabuur fiican ii keen Aniga iska bixin done.Ninkina ku yidhi maal mahan suuqu wuu xun yahay oo Baabuur fican ma hayee maxaan yeelaa.Oradoo asxaabtaada iiga soo qaad waan iska bixine ninkii Guuleed Yaruu weydiiyey goormaad bixinaysaa lacagta oon ninka kula balamaa iyo laba ama afar wiig ugu badnaan afar wiig ban ku bixinayaa.

Waxa gurigi so galay Guuleed Aabihii markiba wuxu maqlay Guuleed Hooyadii oo islaan dayn weydiisanaysa oo ku leh inankii buu Madaxweynuhu Xil culus u Magacaabay e Laba kun oo Doolar isii amaahi dhar bu ku iibsanayaye.Islaantii amaahda la weydinayey ayaa la yaabtay oo tidhi oo goormay inankaga iyo Madaxweynuhu is gaadheen.iska daa xil weynbu u magacaabee.Naa Siraad Madaxweynuhu miyaanu ahayn Madaxweynihii Wadanka u madaxweynaha ahaa.Waa isagii.Naa Siraad Inankaga Guuleed Yare iyo Madaxweynaha maxaa isku keenay.walaalay Xil weyn buu umagacabe oo Joornaalada iyo TV yada ayaaba laga sii daayee oo waa kuwan dadki oo dhami yaabane kaligaa mahee Labada Kun isii wuu iska bixine.Naa Siraad dadkii oo dhan baa yaabanaa walee waxbaa siya waayahaye Zaadkina isoo dir
Odaygii Guuleed Aabihii wax uu ku hadlo ayuu garan waayey.
Guuleed Yare na intii Labadii kun Zaadka loogu shubay ayuu orad ku baxay

La soco Qaybta 3aad
Qore Qaasim Hassan Mataan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...