Sharcigu Ma Ogol Yahay In Golaha Guurtidu Ay Dhimi Karaan Mudo Kordhin Ay Sameeyeen, Dastuurkuna Muxuu Ka Qabaa?

0
Tuesday January 26, 2021 - 11:53:57 in News by
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharcigu Ma Ogol Yahay In Golaha Guurtidu Ay Dhimi Karaan Mudo Kordhin Ay Sameeyeen, Dastuurkuna Muxuu Ka Qabaa?

    Sharcigu Ma Ogol Yahay In Golaha Guurtidu Ay Dhimi Karaan Mudo Kordhin Ay Sameeyeen, Dastuurkuna Muxuu Ka Qabaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sharcigu Ma Ogol Yahay In Golaha Guurtidu Ay Dhimi Karaan Mudo Kordhin Ay Sameeyeen, Dastuurkuna Muxuu Ka Qabaa?


Hargeysa(HWN):-Golaha Guurtida Somaliland, ayaa laga sugayaa in ay ka jawaabaan codsi iyo baaqyo la xidhiidha in ay is waafajiyaan wakhtiga Komishanka doorashooyinku u cayimeen qabashada doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka, ka dib markii dhawaan Komishanku iclaamiyeen in ay ku qabanayaan dhammaadka bisha May ee sannadkan.
Golaha Guurtida Somalilan



Mudaynta wakhtiga doorashada Wakiillada iyo Deegaanka, ayaa waxa caqabad weyn ku ah muddo kordhintii ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Wakiillada oo ahayd laba sanno oo ku eeg dhammaadka sannadkan, taas oo weli ah arrin taagan oo aan xal laga gaadhin dhinaca looga gudbayo, madaama oo ay jirto muddo kordhin, loo cuskaday qodob ka mid ah kuwa Distuurka.

Muddo kordhintan, Guurtidu u sameeyeen Golaha Wakiillada oo ka dhashay khilaafyadii jiitamay Komishanka doorashooyinka, ayaa waxa ay bishii Nov. 2019-kii ay laba sanno u kordhiyeen Golaha Wakiillada, iyaga oo u cuskanayey Qodobka 42-aad ee Distuurka Somaliland, ee ka hadlaya kordhinta wakhtiga Wakiillada, inkasta oo aanay jirin wakhtigaasi duruufaha uu qodobkani ku sababaynayo muddo kordhinta la samaynayo.

Baaqyada Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradku u jeedinayaan in ay is waafajiyaan mudaynta la sameeyey ee Komishanka iyo wakhtigii ay kordhiyeen, ma jiro qodob ku yaalla Distuurka oo Golaha Guurtidu u cuskanayaan in ay sameeyaan muddo dhimis la xidhiidha wakhtiga ay kordhiyeen, kaas oo ay odhan karaan markii aanu aragnay qodob hebel, sida ay sameeyaan marka ay muddo kordhinta ay samaynayaan.

Haddaba, Go'aan Noocee Ah Ayaa Laga Filan Karaa Golaha Guurtida?

Inkasta oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Komishanku muujinayaan niyadsanaan la xidhiidha ka go'aansho in ay doorashadu qabsaanto dabayaaqada bisha May, haddana caqabad taagan ayaa ah muddo kordhintii Guurtida.

Golaha Guurtida oo ah Gole, awooddihii uu lahaa ka sii adeegsada muddo kordhinta uu u sameeyo Goleyaasha Qaranka, isaguna isu sameeya, ayaa laga filayaa inuu ku adkayso go'aankiisa, iyaga oo keeni doona dood cusub iyo duruufo ay keligood isku qanciyaan in ay ogyihiin jiritaankooda.

Golaha Guurtida ayaa la filayaa in aanay sida qorshaha komishanku yahay in doorashada la qabto Bisha May in aanay ku raacin, muddo Kordhintii ay sameeyeena aanay ku wada adkaysan, balse ay la yimaadaan muddo intaasi u dhaxaysa, iyaga oo ku doodi kara, hawlaha doorashada ka qabyada ah, In Deegaannada Xeebtu yihiin Xagga, In Dadka deegaannada Hawdku xadka ka talaabeen iyo in Wakhti Ramadaan ah ku beegan karto Ololaha doorashadu.


Loading...
Loading...