Ciidamadii Direyskiyo, Dunbuqaba Inoo Siday, Daafacaayey Cadawge Hawlyaraan Ma Loo Dilay.
1-CIIDAMADII DIRAYSKIYO,DABKA SIDAY RAGGII DELAY,
DAWLADNIMADA DHAAWACAY,DABKA SUDHAY AMAANKI,
DADWEYNUHU DUGSANAYEEN,DIBU CELIYEY QARANIMO,
DIIDAY KALA DANBAYNTII,DALKANI UU KU CAAN BAXAY,
DEGDEG INTOO U QABTAAN,DHEGTA DHIIG HA LOO DARO,
2-DAWLADNIMIYO REER HEBEL,OGOOW WAA DAB IYO DHAGAX,
DUGSI MA LEH QABYAALADI,JANADII KU DAAYIME (AHUN),
DUQII TIMACADAA YIDHI,DAKHARADAY INA YEESHAAN,
DOOGTOODI WELI TAAL,DAWADEEDI MAQAN TAHAY,
DABIIBKEEDI LOO HAYN,KA DAR DIB DHAL MOOYEE.
3-DUUNYADAN LAYSKA QAATIYO,DAAWEYSI QAADHAN,
DABAR JARA MAG BIXINTO,KA WAX DILA HA LOO DILO,
DIINTEENU WAXAY TIDHI,RUUX QUDHA QOFKII DILAY,
DUNIDUU DHAMEEYAYE,DADKU INAY BADBAADAAN,
DISTORKIYO SHAREECADA,LABADAABA KU SOO DARA,
4-DUULBA KA XOOGSADA,DHIIGA DAADANAYO IYAGAU DARARTA,
DAGAALKIYO BILAAYADA,DADKEENAA QAAR KU NAAXAAN,
DANAHOODA TAHAYOON,WAXAA DUMAYA XAALAYN,
DAAQOO CUN MOOYEEN,DANAYNAYNIN QARANIMO,
DUQAYDA IYO GUURTIDA,SULDAANO YAANA LOO DIRIN,
5-DAGAALADA QABIILKOO,DAWLAD HADDAYNU LEENAHAY,
DILAAGA IYO TUUGABA,RUUXNA YUU KA DABA IMAN,
GARYAQAAN U DOODIYO,YAAN DAMAANAD LOO FURIN,
DICAAYADAA GALBEEDKIYO,
DULMIBA KU HOOS JIRA,DIINTEENU MA OGOLA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!