Wasiirka Waxbarashada Oo Hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida

0
Tuesday January 26, 2021 - 07:47:38 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada Oo Hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida

    Wasiirka Waxbarashada Oo Hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Waxbarashada Oo Hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida


Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa hortegay guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland.


Wasiirka oo ay wehelinayeen agaasimaha guud iyo agaasime Waaxeedyada wasaaraddaas qaar ka mid ah ayaa guddida uga warbixiyay xaaladda waxbarshada dalka iyo qorshayaasha wasaaradda waxbarashada.


Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa guddida warbixin ka siiyay xaaladda arday reer Somaliland ee wax ka baranaayay Jaamacdo ku yaala goobolka Tigreega ee dalka Itoobiya oo ay dagaalo ka dhaceen waxaanu wasiirku sheegay in ay jiraan jaamacado dib ula soo xidhiidhay ardayda si ay dib ugu noqdaan waxbarashadii balse arrintaasi ay digiin ka soo saareen in aanay ardaydu ku laaban wasaaradda arimaha dibadana ay wada-shaqayn kala samaynayaan arrintaasi.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo warbixin qoto dheer u jeediyay guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay in ay qorshaynayaan sidii Balcad isku mid ah loogu samayn lahaa ardayda dugsiyada.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay manhajka waxbarshada iyo luuqada guud ee uu ku baxaayo oo Ingiriisi ah wixii ka sareeya fasalka afraad, isaga oo intaas ku daray in xeerka waxbarashada ee la sameeyay 2018-kii uu sidaasi qeexayo loona baahan yahay in wax ka bedel lagu sameeyo meelaha qaarkood.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha oo wasiirka ku wehelinaayay kulankaasi ayaa iyaguna halkaasi ka jeediyay warbixino la xidhiidha waxbarshadda dalka.

Loading...
Loading...