Isma Eegto Naag Xumi Halky Iin Ku Leedahaye ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday May 01, 2019 - 09:44:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isma Eegto Naag Xumi Halky Iin Ku Leedahaye ( Abdi-Shotaly).

    Horaa loo yidhi " Af noolina wuu hadlaa, eyna wuu ciyaaye",

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horaa loo yidhi " Af noolina wuu hadlaa, eyna wuu ciyaaye",

Aqooneey ba' Faysal Zaad baaba weli shir isi soo taagaaya, oo ummaddii saddex goor oo hore ku tidhi " afka laydha u dhig" annaka maaha kuwa aad isu sharaxay-saaye, waxad tahay waa laga dheregsan yahay, baa is leh wax u sheeg, aduun-yooy xaalkaa be, Duqsiga qudhunku uma soo uro, ee waabu quusadaye, waxa cayn-kaas ka dhigan oo dhooqo dhex batalaq-sanaaya, oo aan is ogayn haba-yaraatee halka uu ka taagan yahay ummadda, weliba dad isu haysta iyo inuu wax sheegaayo. Tix baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa" Mid qafilan, ninkii qu'raanka u akhriyey qaaf dheh ku haraadye" calaa-haakadda weliba sidaas buu ku soo indho cad yahay, ilayn damiir canaanta iyo dareen wax u sheega mid-na laguma oga'e, wuxu ka bes yahay garashadda oo uu hor ilaahay ka taagan yahay, sababta oo ah hunguri bilaa xishood ah baa hogaaminaaya, oo ka malafan xaqiiq-du, mana arki karo qiimaha iyo dadnimo xumaanta, uu la dhex joogo khalqiga ka yaq-yaq-soonaaya, ummadda iyo sidda loogu qoslaayo, waa kii la yidhi " in kastoo la hagaajo, hareeraa laga raaco, hu' magaalo la saaro, halyey loogu dhawaaqo, hoori waa iska hoori, oo waa halkaad ku ogayde, maalin-ba ta ka dambaysa, buu Xaar sii walaaqanayaa, marka wax loo soo laabo buu ku waashaa, kuwii loo kireystaye in uu la fuulo.



Maanso uu qaasim lahaa (IHUN), baa waxa ku jirey " Isma eegto naag xumi, halkay iin ku leedahay, oo way is moog tahay in ay obocdu hoos taalo, waxad moodaa akhristaw murti-daas qaasim in ay maanta haysato Faysal Zaad, waayo haduu is og-yahay in ay obocdu hoos taalo, ama uu dareen keedda leeyahay, wuu dhuuman lahaa, hadaan aniguisaga ahay waan is aasi lahaa, laakiin wuxu noqday kii la yidhi " laguma dhaamee dhaqaaq, oo siddii aad wax baadhan karto-ba is-kaga tuugso. Waa ninka inta uu meel isi soo taagay, oo yidhi waxa aan qabanayaa, wax uu ku sheegay shir jaraa'id, iska butaacay siddii beeb jabay ee yidhi " dadka diidan doorsho in la qabto, waa qaar meel kale laga maamulo, ilayn af aanad lahayn lama qabto, oo waa sidda " Faysal Zaade" Waxa la yidhi oo ku jirey heesihii qaraamiga ahaa " dhaw-dhawdu caduur umay dhicin, oo dhabtii bay hibo mooday dheel-dheel" Haduu doonaayo in doorasho dhacdo, wuxu ka talin lahaa xaqa, oo dhuuni raac muu noqdeen, qanjidh sarceedka loo tuurana wuu iska diidi lahaa. waxa miiqaan dhaama dooryaanka bakhtiga dhex galla, ee kani wax hore inoo soo maray maaha. kun jeer baa shicibka Somaliland ku yidhaaheen, anaka maaha kuwa aad doorsho ka doonay-saaye, ciddii aad ku baadhan jirtay ula tag.


Muwaadin waxa lagu maaweeliyaa, oo ku kelifay in uu dad sanka ka haysta isi soo hor taaho, oo ka maaday-sanaaya waxa uu ku hadlaayo, haddii uu Waddani qaadaco in uu ka qayb galo doorashadda, waxad helaysaa xildhi-baano badan oo deegaanka iyo baarlamaanka kaaga soo baxa, ilayn askarta baa ku kacsanaysa awr-kooda'e. bal in uu calooshiisa u shaqayste yahay,kuwa xamar wax walba looga soo saxeexay, ee isaga laf-tiisu uu ka qayb ahaa, iibintii dekedda Berbera, iyo garoonka ciidamadda shisheeye la siiyey, oo uu macal-qabad ka ahaa, sheegi maayo ilayn wax baa loo laabaye, oo waa af wax cunay xishooye, mid aan shuqul ku la hayna wuxu ku sheegayaa in somaliya uu la socdo, doqoneey dabkaa be', oo ma diirsato hooyadda intaad dunidda jootee, waayo ceeb mooyee, weli cad umaad soo dhicin. Faysal Zaad haduu naf leeyahay, oo aanu madaxu iska dul saarnay wax lagu shubtaa, ilayn sugi-maayo inta la doorto in uu soo fadhiiso Xaafad-tooyada'e. waxa uu samayn lahaa in uu iska casilo waxa uu isku magacaabo ee ah gudoomiye iyo musharaxa ururka uu ula baxay Ucid, kaas oo wax jira aan ahayn. Waxan ku soo dabray maqaalkan, awr-gaal nabar uu og yahay kuma gagabo, oo waa lagaa war hayaa in aad hoosta kala socoto Qudhmiye, sidaana lagugu masruufo, ee cid aad wax yeeli kartaa baaba iska yar, ee adigu hooyoo-ku-go'da iska macaanso.


* N. B Alla Dooriyahaw Hadalku Wuu Kaaga Darayaaye.

Qore:- Abdi-Shotaly

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...