Xogo Laga Helay Dhalinyarada Somaliland U Dhashay Oo Ka Mid Ahaa Ciidanka Soomaaliya Tababarka Ugu Dirtay Eritrea

0
Monday January 25, 2021 - 13:41:11 in News by
  • Visits: 4114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo Laga Helay Dhalinyarada Somaliland U Dhashay Oo Ka Mid Ahaa Ciidanka Soomaaliya Tababarka Ugu Dirtay Eritrea

    Xogo Laga Helay Dhalinyarada Somaliland U Dhashay Oo Ka Mid Ahaa Ciidanka Soomaaliya Tababarka Ugu Dirtay Eritrea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogo Laga Helay Dhalinyarada Somaliland U Dhashay Oo Ka Mid Ahaa Ciidanka Soomaaliya Tababarka Ugu Dirtay Eritrea



Hargeysa(HWN):-Tan iyo markii ay soo ifbaxday wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan Dhalliyaro Soomaali ah oo Dawladda Soomaaliya tababar ugu dirtay Dalka Erateriya oo qayb ka noqday dagaalkii Dawladda Itoobiya ku qaadday Maamulkii Tigrayga ayaa sidoo kale waxa iyagana soo ifbaxay kuwo Xaggan Somaliland kaga jira oo si hoose loogu gudbiyay Soomaaliya Wakhtigaasi.

Wadahadallada Somalia-Somaliland: Khuraafaad iyo khayaano qaran:Qaybtii 2aad | SBO


Haddaba Wargeysa Foore oo wakhti baddan galiyay inaan Xog buuxda ka helno gaar ahaan Dhalinyaradda reer Somaliland kaga jiray Ciidankaasi ayaa waxaanu si rasmi ah u ogaanay islamarkaana faah faahin buuxda uga helnay jiritaanka Arintani, waxa kale oo aanu ogaanay dhallinyaro door ah oo iyagu markii Muqdisho duleedkeeda la geeyay iskaga soo baxsaday oo Hargeysa iyo Burco dib ugu soo laabtay kuwaasi oo nasiib iyo ayaan badni u arka marka ay maqleen Buuqa maanta baxaya iyo waalidiinta walaaca qaba kadib Ubadkoodii oo ay ku la’yihiin Nolol iyo Geeri.


Sida xogtan aanu ku helnay, Mashruuca Dhallinyaradan lagaga kaxeeey Deegaanka Somaliland waxa maalgalisay Dawladda Qaddar oo lacag badan ku bixisay fulintiisa, waxaana si gaar ah mashruucaasi u maamulayay Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, kaasi oo adeegsaday islamarkaana Mashruuc kusii siiyay Rag uu ka mid yahay Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Keyse Aadan Ismaaciil "Guray” oo hadda ku sugan Muqdisho. Sida warkan aanu ku helnay, Waxay ahayd Bishii September -2019-kii markii mashruucan la fuliyay, islamarkaana tiro afar boqol ku dhaw Gobolada Dalka Somaliland laga urursaday, sida ay wargeyska Foore u sheegeen dhalinyaro iskood uga soo noqday markii ay ogaadeen inay been tahay warka Hargeysa lagaga qaaday ee lagu geeyay Muqdisho kaasi oo ay sheegeen in markii hore lagu kexeeyay in Dalka Qadar la gaynayo balse markii dambe loo leexiyay dhinaca Dalka Eriteriya kadib markii laga shakiyay inay si fudud uga baxsan karaan Dalka Qadar.


Waxa dhawaan Warbaahinta Muqdisho iyo siyaasiyiinta halkaasi ku sugani ay shaaciyeen in Ciidankii Tababarka loo geeyay Erateriya ee ay ku jireen Dhalinyaraddii Reer Somaliland inay ka qayb galeen Dagaalkii ay Dawladda Itoobiya ku qaadday maamulka Tigrayga oo ay intoodii badanayd ku dhammaatay dagaalka, islamarkaana ay Dawladda Farmaajo xogta Wiilashaasi ay ka qarinayso Waalidiintoodii iyo umadda Soomaaliyeed ee kaleba.


Wararka Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Waalidiinta iyo dillaaliintii ubadka kaxeeyay ay isla il daran yihiin, islamarkaana ay illaa hadda isku maran yihiin, iyadoo ay dhinaca kale jirto cabsi ay Waalidiintani ka baqayaan in haddii ay maqasho Xukuumadda Somaliland ay xabsiga ku gurto. Si kastaba ha noqotee, waxa jira rag miisaan Culus ku leh Somaliland oo mashruucan ka qayb qaatay kuwaasi oo ubadkan qaadistoodii door ku lahaa, illaa haddana ku madadaalinaya waalidiinta iyo eheladda wiilashaasi inay nool yihiin, oo dhawaan xidhiidhsiin doonaan. Dhinaca kale Xildhibaanno ka tirsan Dawladda Taagta daran ee Soomaaliya ayaa shalay xukuumadda dalkaasi iska hor taagtay in ay ka shiraan kana wada hadlaan dhallinyarada Soomaalida ha ee la sheegay in xukuumaddaasi dabka galisay ee lagu laayay dagaalkii Itoobiya ee Gobolka Tigraay iyaga oo la safan xukuumadda Itoobiya.


Loading...
Loading...