Xukuumada Somaliland Oo Amar Ku Soo Rogtay Dhismayaasha Guryaha

0
Monday January 25, 2021 - 11:12:23 in News by
  • Visits: 2765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Amar Ku Soo Rogtay Dhismayaasha Guryaha

    Xukuumada Somaliland Oo Amar Ku Soo Rogtay Dhismayaasha Guryaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Amar Ku Soo Rogtay Dhismayaasha Guryaha


Hargeysa(HWN):-Wasaaradda hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland, ayaa soo saartay Awaamiir mabnuucaya in dalka laga dhiso Dhisme aan Naqshaddiisa Wasaaraddu ansixin.




Wareegto ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland Jamaal Cabdi Muuse, ayaa sidoo kale lagu sheegay inaan hadda ka dib Cid aan liisan dhisme ka haysan Wasaaradda hawlaha guud aanay wax ka dhisi karin Gobollada dalka guud ahaan.

"Cid kasta oo wax dhista oo aan ku diwaangashayn Wasaaradda Hawlaha guud inay is-diwaangeliyaan sida ugu dhakhsaha badan, wixii hadda ka dambeeya Wasaaradda Hawlaha guud ma ogolaan doonto inay wax ka dhisto Cidda aan haysan Liisan wax dhisid dhammaan Gobollada dalka.” Ayaa lagu sheegay Wareegtadaasi, taasi oo intaa ku dartay "Shirkadaha dhismaha waxa la farayaa inay keenaan Naqshadda Guri kasta oo ay u samaynayaan, hadduu yahay Dawlad iyo Shicibba, Guri kasta oo la dhisayo waxa Naqshaddiisa laga soo ansixinayaa Xafiiska dhismaha ee Wasaaradda hawlaha guud..”


Loading...
Loading...