Muuse Biixi Oo Mucaaridku Ku Sifeeyey Hogaamiye Aan Qaladkiisa Loo Sheegi Karin

0
Monday January 25, 2021 - 11:10:04 in News by
  • Visits: 1674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Mucaaridku Ku Sifeeyey Hogaamiye Aan Qaladkiisa Loo Sheegi Karin

    Muuse Biixi Oo Mucaaridku Ku Sifeeyey Hogaamiye Aan Qaladkiisa Loo Sheegi Karin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Mucaaridku Ku Sifeeyey Hogaamiye Aan Qaladkiisa Loo Sheegi Karin


Hargeysa(HWN):-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu yahay hoggaamiye aan khaladaadkiisa loo sheegi karin.

Xukuumada Muuse Biixi oo weli ka war-waregaysa fulinta qodobadii guddiga | Caasimada Online


Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad lagu soo bandhigay Musharrax u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa sheegay in xilligii lagu jiray ololaha doorashadii Somaliland ka dhacday sannadkii 2017 ay Beesha Gobolka Saaxil codsatay in lala doorto Madaxweyne Muuse Biixi, balse doorashadii ay reer ahaan ku hongoobeen.


Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Xaafaddeenani, Maanta Nin Maanta Madaxweynaha Ergo ugu tagi kara oo odhan kara waxaas iyo waxaas way khaldan yihiin ma lihin raas kasta oo ay inoo tahay.”


Ramaax oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay "Shalay markii la dooranayey (Madaxweyne Biixi) qoladayada Barigu halkan baanu idiinku nimid oo aanu idin nidhi, Maanta haddaanu Ciise Muuse nahay Muuse Biixi nala doorta Sacad Muusoow, waad naga aqbasheen, laakiin waanu ku guul-daraysanay.” Ayuu yidhi, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).


Loading...
Loading...