Gudoomiye Cirro Oo Kulamo Hoose La Yeeshay Madax Dhaqameedka Bariga Burco Iyo Gobolka Sool

0
Monday January 25, 2021 - 11:03:23 in News by
  • Visits: 2021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Cirro Oo Kulamo Hoose La Yeeshay Madax Dhaqameedka Bariga Burco Iyo Gobolka Sool

    Gudoomiye Cirro Oo Kulamo Hoose La Yeeshay Madax Dhaqameedka Bariga Burco Iyo Gobolka Sool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Cirro Oo Kulamo Hoose La Yeeshay Madax Dhaqameedka Bariga Burco Iyo Gobolka Sool


Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo dhawaan ka soo laabtay socdaal uu ku mareyey gobollada Barriga dalka, isla markaana ahaa mid uu ku kormeerayey sidda ay u socotey diiwaangelintii codbixinta,balse socdaalkiisa waxa weheliyey kullamo uu la yeeshay bulshada Sanaag iyo Sool iyo Togdheer,sida ay tabayiyeen war-baahintu,kuwaas oo lagu sheegay qaar la xidhiidhay wacyigelinta diiwaangelinta codbixinta,haseyeeshaa waxa la sheegay inay jireen kullamo ka duwan kuwaas oo uu guddoomiye Cirro la yeeshay beelaha ugu tunka weynle gobolladdaas oo ay war-baahintiisa iyo tan maddax-bannaan debad joog ka ahayd oo xoggohooga la dhawray.

Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) | Twitter


Guddoomiye Cirro ayaa kullamo gaar-gaar ah la yeeshay intii uu ku sugnaa gobolka Sanaag Madax-dhaqameedka iyo haldoorka beelaha dega gobolkaas,kuwaas oo ahaa qaar ay war-baahinty debad joog ka ahayd,balse xoggo aanu ka helnay ayaa sheegay in Guddoomiyuhu uu kala hadlay arrimo la xidhiidh damiciisa Madaxweynenimo ee dalka iyo inay taageeraan doorashada mustaqbalka ee Madaxtooyadda.


Dhanka kalene Guddoomiye Cirro ayaa waxa uu kullan kaas lamid ah la yeeshay Wax-garadka iyo nin-doorka dhalinyarada gobolka Sool intii uu ku sugnaa,waxaana ugu horeyn uga mahadnaqay doorkii ay ka ciyaareen doorashadii Madaxtooyadda iyo sida ay u tageereen,isagoo ku booriyey reer Sool inay si mugle isu diiwaangeliyaan,waxaanay xogguhu xuseen in Guddoomiye Cirro reer Sool ugu bushaareeyey inuu ka sii shaqaynayo sidii ay u hanan lahayeen reer Sool kursiga mustaqbalka dhaw ee Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada,waxaanay ay iyana ballan-qadeen inay Guddoomiye Cirro iyo WADDANI hiil iyo hooba la garabtaagan yihiin ku dhisayaan kursiga Madaxweynenimo ee dalka doorashada Madaxweyne ee mustaqbalka marka la gaadho.


Geesta kalene Guddoomiyaha Cirro ayaa waxa xogguhu xuseen inuu kullamo la yeeshay madax-dhaqameedka wax-garadka iyo waayeelka Beesha Bariga Burco, waxaana kullankaas ahaa mid daba socoday kullamo hore uu la yeeshay qaar kamid ah Madax-dhaqameedka Beeshaas,waxaanay beeshu halkaas ka jeediyeen sida la sheegay haddalo iskugu jiray mahad-naq iyo cabasho ay ka cabanayaan Madaxweynaha ay doorteen iyo xukuumaddiisa iyo qoomamo ay ka qoomamoonayaan dedaalkii ay geliyeen sidii uu Madaxweyne Biixi uguulaysan lahaa,waxaana Guddoomiye cirro u sheegeen inay hadda Xisbiga WADDANI yihiin,isla markaana ay keenayaan musharaxiin Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka Burco,Berbera iyo Ceerigaabo,Caynaba iyo Sool,waxaana la wariyey in Guddoomiye Cirro uu soo dhaweeyey,isla markaana uu kulankaas ku soo dhammaaday is afgarad buuxa iyo jawi degan.


Guddoomiye Cirro ayaa muddadii uu kormeerka ku marayay diiwaan galinta Gobollada Bari waxa uu sameeyey dhaqdhqaaqii siyaasadeed ee ugu weynaa in muddo ah.


Loading...
Loading...