Abwaan Guuleed Axmed Oo Gabay Ku Karbaashay Muuse Biixi Iyo Hogaamintiisa Qaloocan

0
Monday January 25, 2021 - 11:00:44 in News by
  • Visits: 2163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Guuleed Axmed Oo Gabay Ku Karbaashay Muuse Biixi Iyo Hogaamintiisa Qaloocan

    Abwaan Guuleed Axmed Oo Gabay Ku Karbaashay Muuse Biixi Iyo Hogaamintiisa Qaloocan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Guuleed Axmed Oo Gabay Ku Karbaashay Muuse Biixi Iyo Hogaamintiisa Qaloocan


Hargeysa(HWN):-Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed oo ka mid ah bahda suugaanleyda Somaliland ayaa Gabay layaab leh ku karbaashay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Gabaygan oo uu ka dhigay mid uu Madaxweynaha laftiisu tirinayo ayuu kaga warramayaa qaabka uu xukunka ku yimid, waxa uu damacsan yahay iyo hannaanka hogaamineed.



Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed oo Gabaygan ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Gabaygan waxaa la yidhaahdaa MANHAJ. Sida magaciisa ka muuqata waxa uu ka hadlayaa waa manhajkii siyaasadda iyo hogaaminta waddanka ee dawliga ahaa. Gabaygani wuu ka duwan yahay kuwaygii hore oo Haddii aad hore u maqli jirtay Madaxweyne ayaa loo gabyay kan Madaxweynaha laftiisii baa gabyaya oo isagu warramaya. Madaxweynuhu waxa uu innooga warramayaa dhaqankiisa hogaamineed, sida uu dalka u hagayo, hab maamulkiisa, waxa uu doonayo, waxa uu diidayo iyo waxa uu damacsan yahayba iyo waxa u qorshaysan ee mustaqbalba. Markaa aan bilaabo:

Wuxuu Muuse Yidhi

"Waan Aqaan Mahadho Suugaane

Anba Mararka Qaar Gabayga

Waan Muhindisoodaaye

Bal Tixdaydan Miisaanka Daya

Maansadaan Curiyo

Illayn Macallin Jiitaan Ahee

Midh Iga Faa’iida

Wallee Dawladnimadaan Mulkiyey

Lama Macaanaysto

Qofna Anigu Waad Mudan Tahay

Iyo Mahadnaq Siin Maayo

Oday Dhaqan Ma Maamuusayo

Iyo Madax Qabiil Toona

Nin Muxtarim Ah Iyo Waayo Arag

La Ima Marinaayo

Muska Iima Soo Dhaafi Karo

Magac Nin Sheegtaaba

Ka Mucaarad Ah Ee Erey Yidhaa

Mar Uma Dhaafaayo

Cid Musaalaxo U Baahan

Iyo Milil Dawayn Maayo

Aqoonyahan Wax Ila Maamula

Oo miiggan xulan maayo

Illayn magac Bilaash uma baxo

Oo waa igu maqasheene

Aniguna maroor iyo adayg

Muran leh dayn maayo

Halka maalku yaallana

Tolkey uga maarmi maayo

Afartaa xaq aan muujiyay

Iyo minan caddaaleed dheh

Nin mujaahid ahi iskama hadlee

Weedho meel gal ah dheh

Afar kalena miimka aan akhriyo

Magan allee dhuuxa

Ummad yahay mahdiga khayrka leh

Ayaad ceeb marmarisaane

Nin qabyaalad igu maagayiyo

Ha ii maqlina tuuge

Dar maqaaxiyaha iga xantoo

Muush ah baa badane

Musuqmaasuq bay doonayaan

Maanka laga qaadye

Hantidaan miscirireeyey

Bay sii mildhanayaane

Handaraabka maqalka

Bay rabaan inaan miftaaxeeyaaye

Dar kalena mixnado reernimo

Ayay ii mudmudayaane

Ninkase maalin badahayga gala

Waan makalayaaye

Siduu Maxamedkii ina Salmaan

Wariyaha u moorshey

Anna yaan sidii malag wax dila

Mowd idiin noqone

Milatari iyo yaanan ciidan galin

Meheradaha qaar’e

Yaydaan wax wada mootan

Iyo noqon maxaabiise

Madaxweyne shacabkiisu

Way wada majeertaane

Amma waan mutaystee

Ammaan igu malaandiiqa

Amma miridh isii suga

Dan baad u miyirsan doontaane

Afartaana muudaaga aar miciyihiisii dheh

Haddaan maagi la iguma galee

Maadharka aan ahay dheh

Afar kalena miimka aan akhriyo

Magan allee dhuuxa

Inkastoon nin maal badan ahoo

Mood dhaqday iyo noolba

Magaaladana aan boqol dhisme iyo

Geel miyiba haystay

Waxaan ahay nin Baayacmushtar ah

Maamulna u helaye

Mashaariicda lacagtaydu way

Ii macaash dhaliye

Milyaneerka dunidoo dhan

Baa laga murwaadaaye

Anigana adduun madhaxsigii

Mawle waa I baraye

Maqsadkaygu waa ina aw siciid

Mar qudha dhaafe

Muddo kooban waa inaan baxsane

Kaga majeertaaye

Dhismahaygu waa in uu ka mudho

Moodhka dahabshiil ‘e

Anigaaba la ii muhanayaa

La iga maadsadaye

Macmacaanlaha I hunufsaday

Ee wax is yar moodaaya

Muuqaygan uunbuu arkaye

Wuu I moogyahaye

Milay aan fogayn

Waa inuu iga mildhaabaaye

Afartaana mawhibo hore

Iyo mawjad ii dihin dheh’

Maskax lexejeclo ayaa igu jirtee

Taajir midhihii dheh

Afar kalena miimka aan akhriyo

Magan allee dhuuxa

Jeegaantu waa midab xaqoo

Waa Muwaafaqo’e

Waa Muqaddas Oo Bahashu

Waa Malabkii Doocaane

Mansabka Iyo Xilkaygani

Waa Midha-Dhalkeediiye

Reeraha Mataanoobay

Waa Ma Hurtadaydiiye

Kuwa Kale Mabda’a Wada Jirka

Ayay Kaga Masayreene

Mannaan Ugu Hayaa

Ficiltanka Mooshinkii Shalaye

Muruqiyo Codkoodii

Way Iigu Miciineene

Calankii Masiibada Qabay

Ee Media-Ha Qariyey

Miisaanka Waatay WADDANI

Mooral Jabiyeene

Xaajiga Iyo Baa Igu Mitiday

Muhannad Waagiiye

Hadba Waxaan Muraaqoonayaa

Muxubadoodiiye

Ma Aqaan Maqaar-Saarka

Iyo Qawl Munaafaqa’e

Sidaasay Maqbuuliyo Ku Tahay

Meerto Noo Xidhane

Afartaana Maadooyinka

Macallinkaygii Dheh

Muriidkaygu Xadhigow Ha Furin

Ii Mudaakaree Dheh

Halkaasay Ku Meegaaran Tahay

Miimleydaydaniye

Haddaad Gabaygan Ila Miisataan

Wuu Muc Weyn Yahaye

Manhaj Iyo Hogaan Iyo

Waa Maan Siyaasi Ahe

Dadka Kii Murti Aqoon Ahi

Wuu Milicsan Doonaaye

Bal Mubaarig Boostiga Dhigoo

Maxamedoow Share Dheh

Mareegaha Internetkana

Dhammaan Maanta Soo Galiya

Meeqaamka Gabaygaygu Yahay

Mudanayaal Geeya

Qoladiinan Igu Meersaneey

Mariya Faceboogga

Marxabbada Iyo Like Ta

U Huroo Igu Wada Miisa

Commentiga Iyo Maasha Allah-Da

Iga Macaaneeya

Mudanaha Waxqabadkee

Qarnigu Muuse Dhaha Weeyi

Berigii Ma Duufaanadeen Meeri

Jiray Sheega

Habeenkaan Miskiinka U Gurmaday

Daadku Miray Sheega

Ergadaan U Maray

Ceel Afweyn

Meesha Ka Caddeeya

Dadka Hadal Ku Madadaaliya

Oo Soo Muxaafidiya

Amma Idinna Maalaayacniga

Maandhow Nala Dhaafa”

Intaasi ayuu Gabaygii Manhaj ku egyahay oo uu tiriyay Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed.


Loading...
Loading...