Diyaaradda Boeing 737 Max oo mar kale badqabkeeda laga deyriyay

0
Monday January 25, 2021 - 07:54:34 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradda Boeing 737 Max oo mar kale badqabkeeda laga deyriyay

    Diyaaradda Boeing 737 Max oo mar kale badqabkeeda laga deyriyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradda Boeing 737 Max oo mar kale badqabkeeda laga deyriyay

Hargeisa(HWN):-Maareeye sare oo ka tirsananaan jiray shirkadda Boeing 737 faraceeda Seattle ayaa walaac cusub ka muujiyay badqabka diyaaradda nooceedu yahay 737 Max.


Diyaaraddan oo isticmaalkeeda la joojiyay kaddib laba shil oo ay ku dhinteen 346 qof, ayaa dhawaan loo fasaxay inay Waqooyiga Ameerika iyo Brazil dib uga billowdo duulimaadyadeedi, waxaana la filayaa in toddobaadkan reer Yurub ka hesho fasax ay qaaradda uga hawlgasho.

Haseyeeshee warbixin cusub, Ed Pierson waxa uu sheegay aad loogu baahan yahay in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo dhanka korontada.
boeing 737

Hay'adaha badqabka duulimaadyada ee Mareykanka iyo Yurub ayaa waxay ku adkeysanayaan in dib u eegistooda ay ahayd mid dhammaystiran iyo in dayaaradda 737 Max ay hadda badqab tahay.

Warbixinta Pierson ayaa lagu sheegay in hay'adaha badqabka duulimaadyada iyo baarayaashuba ay si weyn iskaga indha tireen arrimaha qaar oo uu rumeysan yahay in loo aanayn karayo shilalkii diyaaraddaasi.

Dhammaadkii bishii Diseembar ayaa diyaaraddan nooceedu yahay 737 MAX ee ay sameysay shirkadda Boeing waxaa dib loogu ogolaaday in ay billowday duullimaadyada rakaabka ee gudaha dalka Mareykanka.

Mid ka mid ah diyaaradahan oo ay ku xardhan yihiin calaamadaha shirkadda American Airlines ayaa sameysay duullimaad isaga kala gooshaya magaalooyinka Miami iyo New York.

Arrintan ayaa timid kaddib amrkii waaxda duulista hawada ee Mareykanka ayaa bishii Nofembar mamnuucistii ka qaadday diyaaraddani kaddib markii shirkadda soo saarta ee Boeing ay aqbashay shuruudaha cusub ee badbaadada.

Inkastoo diyaaradda 737 MAX ay tahay tan ugu casrigan dhammaan diyaaradaha rakaabka qaada, haddana waxaa taariikhda baal madow ka galiyay musiibooyinkii ay la kowsatay oo ahaa kuwo ugu dambeyn la xaqiijiyay inay ku imaadeen cillad farsamo oo sameyska diyaaradda ah.

Isku darka 346 ruux ayaa ku dhintay labadii shil ee isu dhawaa.

Duullimaadkii shirkadda diyaaradaha Lion Air ee uu lambarkiisa ahaa 610 ayaa burburay kaddib markii ay diyaaradda kasoo kacday garoonka magaalada Jakarta, bishii October ee sanadkii 2018-kii.

Duullimaad kale oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines, oo isaguna uu lambarkiisa ahaa 302 ayaa busburay kaddib markii ay diyaaradda ka duushay garoonka magaalada Addis Ababa, bishii March ee sanadkii 2019-kii.

Ka hor inta aan diyaaradda 737 MAX dib hawada loogu soo celinin, shirkadda Boeing waxay dib u habeyn ku sameysay qalabka badbaada ee diyaaradda, taasoo horseedday in mar kale la aamino.

Xigasho:-BBC-Somali

Loading...
Loading...