Xisbiyadda Mucaaridka Oo Ka Hadlay Qorshaha Loo Dejiyay Murashaxiinta Beelaha Gabooye

0
Sunday January 24, 2021 - 23:15:06 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyadda Mucaaridka Oo Ka Hadlay Qorshaha Loo Dejiyay Murashaxiinta Beelaha Gabooye

    Xisbiyadda Mucaaridka Oo Ka Hadlay Qorshaha Loo Dejiyay Murashaxiinta Beelaha Gabooye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyadda Mucaaridka Oo Ka Hadlay Qorshaha Loo Dejiyay Murashaxiinta Beelaha Gabooye

Hargeisa(HWN):-Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha loogu talogalay Kuraasta qoondada ah ee Beelaha laga tirada badan yahay oo sida ay sheegeen xal siyaasi ah laga gaadhay.


Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo maanta ka qayb-galay kulan loogu yeedhay oo ujeedkiisu ahaa Dhiiri-gelin iyo talo-bixin.

Kulankaas oo loo bixiyay ama macnihiisa lagu soo koobay erayga "Wada-tashiga Xisbiyadda Iyo Beelaha Gabooye", kaasoo lagu qabtay Caasimadda Hargeisa ee xarunta Somaliland.


"Asxaabta qaranku dhammaantood runtii way ku deddaalayaan dariiq kasta beeshaasi Xubnaha ka socdaa ay ku guulaysan karaan. Asxaabtu waxay isla garteen in saddex Xubnood oo Beelahaas ah laga sharaxo Saddexda gobol ee ugu waaweyn Somaliland.

Markaa saddexaad la idin siiyey hadaad idinkuna midowdaan oo Inanta Awdal laga sharaxay, Murrashaxa Gobolka Maroodi-jeex ee loo daayey Barkhad iyo Inanka UCID ka sharaxay gobolka Togdheer u dhamaataan waxaan rejjaynayaa inaad metelaad buuxda ku yaallataan golaha Wakiillada iyo Deegaamadaba”Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo khudbad dhiiri-gelin ah ka jeediyey kulankaasi.

Saddexda Xisbi Qaran, ayaa ku heshiiyey in saddex Murrashax oo Golaha Wakiillada ah Beelahaasi ku yeeshaan Gobolada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Awdal, waxaana ka qaybgaleyaasha shirka loogu baaqay in ay codka iyo cududa beelahaasi ku mideeyaan sidii ay saddexdaas Murrashax ugu taageeri lahaayeen.

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna shaaca ka qaaday inay asxaabta Qaranku ku heshiiyeen in Saddexda gobol ee waaweyn saddex Murrashax laga siiyo Beelaha Gabooye oo uu Gobol walba qof isaga sharaxo "Waxa kale oo aanu ku heshiinay maadaama aanay jirin Kooto in Haweenkana gobol walba saddex xubnood xisbiyadu ka siiyaan oo ka sharaxaan oo ay tartamaan 18 Dumar ah gobolada oo dhan”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe oo Murrashaxiinta iyo Beelaha Gabooye ku dhiiri-geliyey in ay kalsoonidooda dhisaan, kuna deddaalaan sidii ay ula soo bixi lahaayeen Murrashaxiintooda.

Si kastaba ha ahaatee, sida kulankaas laga sheegay Xisbiga KULMIYE ayaa xubin ka soo jeeda Beelahaasi ka sharaxay Gobolka Awdal, Gobolka Maroodi-jeexna Xisbiga WADDANI, halka uu Xisbiga UCID ka sharaxayo Gobolka Togdheer.

Loading...
Loading...