Xildh. Ka Hadlay Codsiga Xukuumadda Ee Ah In Guurtidu Is-waafajiyo Muddo-kordhintii Wakiillada Iyo Xilliga Doorashada Loo Muddeeyay

0
Sunday January 24, 2021 - 18:22:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildh. Ka Hadlay Codsiga Xukuumadda Ee Ah In Guurtidu Is-waafajiyo Muddo-kordhintii Wakiillada Iyo Xilliga Doorashada Loo Muddeeyay

    "maxaa yeelay Dastuurka nin waliba wax buu ku yahay,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"maxaa yeelay Dastuurka nin waliba wax buu ku yahay,"

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay muddo kordhinta ay u sameeyeen Golaha Wakiilada iyo wakhtiga uu Komishanku cayimay inay ku qabanayaan Doorashooyinka iyo Sharcigu wuxuu ka qabo, waxaanu xusay in sharcigu ogol yahay in mararka qaar la jabiyo.

 

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo Wargeyska Geeska Afrika arintan wax ka waydiiyey ayaa ugu horeyn ku jawaabay "Anagu waanagii kordhinay, in sharci la jabiyo waa dastuuri, haddii ay ka fursan weydo, maxaa yeelay Dastuurka nin waliba wax buu ku yahay, Madaxweynuhu Dastuurku ayuu Madaxweyne ku yahay, Xisbiyadu Dastuurka ayey Xisbiyo ku yihiin, waa kii Golaha Wasiiradu lahaa Golaha Guurtidu ha nagu raaco ee bisha dambe kowdeeda ayaanu fasixii Golaha ka soo laabanaynaa, kolay anigu ka sii hor dhici maayo, ee waxaynu eegi doonaa wuxuu Golahayaga Guurtidu  go’aamiyo, arintana ka yeelo”


Loading...
Loading...