Dowladda Soomaaliya Oo Amar Dul-dhigtay Hay'addaha Ka Howlgalla Dalka
Muqdisho (HWN) Wasiirka qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay hay’addaha ka shaqeeyaa gudaha dalka ay sanadkii tagay kala heshiiyeen inay isticmaalaan Bankiga dalka, lana rabo hada in lagula xisaabtamo dhaqan galinta heshiiskaasi sidoo kale lagu adkeeyo sida Soomaalida loogu xoojiyo inay isticmaalaan bankigayada dalka.
"Waa in lala xisaabtamaa Hay’addaha ka shaqeeya dalka halka ay mariyaan lacaga dalka ay soo galiyeen horeyna waan kala hishiinay sidaa dareedeed waa inaan xoojinaa dhaqan galinta hishiisyada”
Wasiirka ayaa intaasi raaciyay "Lacago ka badana labo bilyan ayaa sanadkiiba soo gasha dalka marka waa in lala socdaa sida loo maareeyo iyo habraacyada loo maray iyadoo la dhaxmarinayo bankiga dalka” ayuu yidhi wasiir Jamaal Maxamed Xasan.
Wasiirku waxa kaloo sheegay hadii aan la xisaabin lacagahan iyo waxyaabaha ku xeeran waxaa laga yaaba in dhaqaale badan uu ka maqnaado nidaamka dowladda iyo shruucaha lagu hago dalka .
Wasiirka qorsheynta xukumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay diyaariyeen barnaamij lagula soconayo lacaga doolarka ee soo galo dalka halka lagu haayo iyo waxyaabaha lagu qabto.
"Waxaan Sameynay Bar lagula socdo lacagaha doolarka ee dalka la soo galiyom halka lagun isticmaalo iyo goobaha ay yaalaan waxaana ka mid tahay qorsha ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta sidoo kale qof kasto waxaa uu kala socon karaan Page-ka wasaaradda” ayuu yidhi Wasiir Jamaal