Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Faah Faahiyey Wada Hadal Uu Khadka Telefanka Kula Yeeshay Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka.
Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Faah Faahiyey Wada Hadal Uu Khadka Telefanka Kula Yeeshay Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka.
Raysal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa wada hadal khadka telefanka ah la yeeshay madaxweynaha cusub ee maraykanka Joe Biden.
raysal wasaare boris Johnson ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu kaga hadlay wada hadalka dhexmaray madaxweynaha cusub ee maraykanka Joe Biden iyo qodobada ay ka wada hadleen.
raysal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo ka hadlaya wada hadalka uu la yeeshay Joe Biden ayaa waxa uu yidhi " aad ayaan ugu faraxsanahay inaad cawayskii xalay la hadlay madaxweyne Joe Biden, waxaanan rajaynaynaa inaanu sii xoojino isbahaysiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labadayada dal."
raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa hadalkiisa sii raaciyey "Waxaanu u soconaa horumarka cagaarka ah anaga oo soo kabasho waaraysa ka samaynayna xanuunka Covid-19"
![]() |
Loading...
Loading...