Maamulka Tog-wajaale Oo Soo Iibiyay Gaadiid Ay Kaga Shaqaynayaan Nadaafada Magaalada.

0
Wednesday May 01, 2019 - 09:18:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Tog-wajaale Oo Soo Iibiyay Gaadiid Ay Kaga Shaqaynayaan Nadaafada Magaalada.

    Tog-Wajaale(HWN)-Maamulka Degmada Tog-Wajaale ee katirsan Gobolka Gabiley ayaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tog-Wajaale(HWN)-Maamulka Degmada Tog-Wajaale ee katirsan Gobolka Gabiley ayaa, ololaha Nadaafada iyo Xashiishka Guristiisa iyo Waliba Dib u hagaajinta Jidadka Magaalada usoo Iibiiyay Cagaf-Weyn oo Nooca Loo Yaqaan Baldawsarta,Iskurogo,iyo Booyad,kadib markii ay isku kabkabeen Qadarka Dakhliga ah ee uga soo Xerooda Cashuuraha D/hoose ee Degmadaasi.


Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale Cabdilaahi Xasan Samaale ayaa xusey in ay ka dedaaleen in Cashuurta Kooban ee ay Maamul ahaan ka qaadaan Shacabka sidii loogu Soo celin lahaa Degmada islamarkaana, ay Wax uga Qaban lahaayeen Duruufaha joogtada ah ee gudaha Degmada Tog-Wajaale,oo ah Degmo had iyo jeer uu ku badan yahey isticmaalka agabkaMeheradaha Ganacsi iyo carro madawga dabiiciga ah ladagaalanka oo ladagaalanka Khashinku yahey mid ka culus kana badan ka Magaalooyinka kale ee dalka ,iyo hagaajinta jidadka Magaalada ay usoo iibiyeen Cagafta Waaweyn ee Nooca loo yaqaan Baldawsarta,Booyad Weyn oo kuwa Qaada ah iyo Iskarogo,kuwa khashinka laga gurro ah.



Sidoo kale Waxa uu Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale xusey in ay Dib u habeyn balaadhan oo dhinaca Maamulka iyo Gudashada Waajibaadka Shaqada D/hoose ku Sameeyeen Xafiisyada Maamulka D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale khusuusana hagaajinta hab Maamulka Dakhliga iyo Cashuuraha oo ah ta Suurtag galisey in uga faa,ideeyaan Bulshada Dakhliga Cashuuraha oo laga ilaaliyay Guud ahaanba Musuqmaasuqa Waxaanu Xoghayuhu Carabka ku dhuftey in ay si adag uga hawlgaleen Dib u hagaajinta Xafiisyada Qorsheynta,Cashuuraha iyo Dhulka D/hoose .


Dadweynaha ku nool Gudaha Magaalada Tog-Wajaale ayaa si diiran usoo dhaweeyay Qalabka ay D/hoose usoo iibisey Degmada Tog-Wajaale kuwaas oo ahaa Kuwa baahi weyn loo Qabey islamarkaana, Wax ka tari doona adeegyadda aasaasiga u ah Bulshada.

Loading...
Loading...