Ma Anaa Midiyo Lay Qarshaa, Laygu Qali Doono ( Abdi-Shotaly!

0
Sunday January 24, 2021 - 09:45:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ma Anaa Midiyo Lay Qarshaa, Laygu Qali Doono ( Abdi-Shotaly!

    * N.B Masku oogadda Waa Ka Xariir Asal Ah!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Masku oogadda Waa Ka Xariir Asal Ah!

       "Markay kadan tahay bay alle taqaanaaye", durbaanka saaka la qaraacay, iyo qaylada cumaama-daha madaxa loogu soo duubtay,beer laxawsiga, iyo hadalada macaan, kan baa dantaa wada iyo kala boobka laguu soo kala bereta-maayo, dhiilada iyo dhalaan hababista lala soogan yahay, jacaylka laguu qabo maanta iyo isu soo baxayda, ceel malab ah baan kuu hayaa iyo is wanaajinta lala tuban yahay dariiq-yadda, khudbadaha dhiigu da'aayo, ee geed sare waabka ah, marmar-siiyaha iyo is hafarka, wax baan ku tarayaadda maxaa keenay saaka? Kuwa kula hor taagan hadaladda qiirada leh, ee ka qalaalan hoosta, hore-na kuu soo maray, ogayd-na waxa ay ku danbayee-yeen, ee aad faraha madhan ka joogtid, yaan lagugu khawaysiin, hadaad tihiin ummadda Reer Somaliland! sideedaba-na kala baro oo si hufan u deris, waxa aad rabto iyo kuwa kaa doonaaya waxa ay qafaashaan, maaha wax aad si yar u dhayalsan karto, ogawna oo la soco dadku waa dhawr nooc, dar baa miskiin seef-layaal ah, oo hoosta kaa jara, qaar baa ah dhuxul dambas huwan, kuwo kale baa iyana la moodaa biyo ma daadsha-yaal laakiin aba-guri hoosta ku haysta, nooc baa oogada ka xariir ah, oo ay urgumadu ugu aasan tahay micida, raabo kale baa jirta, oo iyana u abuuran in ay wax canda-dawlaan, oo qas iyo qalaanqal uun u faydan, in baa dusha kaa hagaagsan oo laciimiin ah, kooxo baa jira kugu khaldaaya kitaab, oo boqnaha kugu jaraaya, in baa dhuunta wax ka arka oo mabda'oodu yahay oo keli kii wax u dhiiba, si ay u soo xero geliyaan dad. af-miishaar aan wax ka xishoon, mid reer hebel baa aynu isku nahay raba in uu kaaga leeexiyo danta guud. intaas oo dhan baa is barbar yaacaaya, oo u maleegan siddii laguugu tuuri lahaa haadaan, laguuugu tala galay, oo mid-ba uu dhinaciisa ka ordayaa, marka aad la kulanto-na aad moodaysaa qof nasteexo kuu sheegaaya, ha yeeshee ka dhab maaha, ee waa yaan lagugu garan balaayadda uu wado, oo qudhun kuu hadoodi-laaya si uu fursad kuugu helo, qab kuugu dhigo muruq-yadda bawdadda ku kala gooya, hadaba waxan uga jeedaa, waxa si cadaan ah xakamaha looga jaray, in lagugu hurgufo beentii la rabay in xawda lagaaga jaro, oo la iskaa kaba raaciyo, shanta fagaxa baa cagaha wax laga deyey, qolooyinka kala gedisan ee aan kor ku carabaabay-na, waa wakhtiggii ay ku talo galeen, laguuna soo tafa xaytay, siddii ay kaaga heli lahaayeen ujeedoo-yinka  iyaka u gaarka ah, iyada oo laguu sheegaayo wax baan kuu qabanaynaa, taas oo hore-ba looga waayey, waxa ay la koodhaadha-yaan kuwa idin hor boodayaa.

        

       "Geel duq baa loo tumaaye", Kulmiye waxa soo celiyey in ay ku hor yimaadaan kuwii aad eeday, ee kaa reebay qayrkaa iyo qayr xigeen-kaaba, ma is weydiisay waxay tahay? Micnuhu maaha doorashada'e, ee waa lagu gasaan-gasayaa, waxay tahay oo kuu keenay in ay ku baryaan, ha moodin wax kale ee waxa dhamaaday ayaamihii ay lahaayeen, oo habeenkan caawa ah adiga ( ka foodaaya marka aad tahay shicibkaw) baa ka diig ah, oo lagu hoos joogaa inta ay ku jirto  warqadda foodku gacan-taada, ta lagaa sugayaana, waa siddii lagaaga saxeexi lahaa, inta ay dhun-dhunka ku qabtaan, lagaa hir gashado in aad u meel mariso toodda, dabeed cidla lagaaga dhaqaaqo, ummad yahay waa ayaan-taad idinku lahay-deen, ee aad ka saray-seen kuwo aynu la wadda socono waxa ay yihiin, sidaas awgeed waxa muhiim ah, in aad ka fiirsato beenta laguu biirinaayey, Saddex sano ee xooga ka masaha ah, oo ah intii ay askarta iyo kuwa uu isticmaalaa, ee reer walba lihi, kuu maqaar saarnaayeen. Waa in aad qaadaa-dhig-taan, ereyada la idinku maalaayo, ee wax ka danbeeyaa aanay jirin, Maaulka askarigu wax uu ku taray ama ku yeelay waa in aad is waydiiso, walba waa in aad gaar ula xisaab-tantaan, oo eeg-taan dhul dhacoodda, micnuhu maaha waxa kele, oo aad kala dooranay-saan Saddex xusbi, ee eega bad-weynta ku xeeran, kuwaas oo hadhaw ahee hunguri doonka ah, kuwa ku melgi doona weeye, ee iilka kuu sii dheeray-naaya ama noqon kara kuwo aad wax ka faa'iidid, kuwani halkay somaliland dhigeen idin kama qarsoona, aanay cid aan ogaynina ma jirto, waxa la isla daba wareegayaa bal dhuuxa, waxa kale maaha ee waa caadaddii Xusbiga Kulmiye, uu hore ugu caano maalay, maantase socon mayso hebel waa sidaas iyo ka kale, oo isna wax ka sii daran, ka is leh isku maydh, mid ka hadlaaya adeeg-yadda ummadda iyo baahidda dan yarta haysta ma jiro, ayaan daradda inagu habsatay, oo aynu kuligeen, mid-na aanu eegayn danta Somaliland iyo dad-keedda, ee nin jeclaysi iyo Reer Hebel, wax ku dooranaya, hadhaw-na goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, seeftii kugu dhacday, aad cabaad la soo jeesato, waa-se goorma-goorta, aad siddii xuunshadda aad wax ogaanaysaa? Inaka baa ka mansuul ah oo nina kama dedna taasi, waana ay ina soo mareen, laga bilaabo ku dhawaaqiddii somaliland 18/05/1991-kii, oo waa kuwii dagaalkii sokeeya ee " Marya alool" u ahaa aabaha iyo hooyadda, markaas waxa ay imika la imanayaan, ama ay hayaan ma cid baa awel ka hor joogtay, mise dib baa loo abuuray, oo maaha-ba kuwa aan sheegayno akhristaw adaan kuu dhiibaye?

        

       "Hadal waa run kama rayste ee ku dheh " Ma anaa midiyo lay qarshaa, laygu qali doono" Maaha in qiiq iyo ciiro la inoo dhex galo, oo kolba sida jirji-roolaha, la isu keen ekaysiiyo marxaladda la inaku khaldaayo, wax aan sal iyo baar mid-na aan lahayn laguu akhriyo, wax aad ka soo gun iyo baar wareegtay, oo wax ka soo naasao cad, iyo rajo laga sugo, aad ka soo inaab-satay, kuwii u ahaa taayiradu-na ay weli kugu so mutuxan yihiin, miyey kula tahay, in aad maanta-na ku dan seegto, waa kuu dadnimo xumo iyo cidhib la'aan lagugu ogaaday, waana ta ay kolba kuugu soo hiila-yaan, ee ay kaaga quusan waayeen, ilayn waxay og-yihiin in ay kaa jibo keena-yaane, hadaba waxan ku soo xidhay maqaalkan, oo aan qoofalka ku giijiyey, dan-taadu waxay ku jirtaa, adiga oo tijaabiya kuwa kale, wixii kuu daacad ah, ee dadka iyo dalka aan hore u liqin, curyaamin, kuwa maalin kasta Dhuuxa iyo lafta, ku jebi-naaya, ee misana sidda maska, oogadda xariir ka dhigaaya, waabay-diina soo dayn doona marka aad kursiga geyso, sidda maamulka hadda jooga aad ku cunay, isku kaa diray, dabeed-na ku yidhi cirka soo leef markuu kaa dan dhamaystay, saw in aad ka baydho oo aad qun yar socod, aanad denbi u tirinayn siiyo cod-kaaga maaha? Maxay hayaan kuwa haadka iyo eega-tadda kuu wadhay? Ma adiga bay naf ku gelina-yaan?  Cadceed soo baxda-ba laba beel colaad la dhex dhigo iyo kala celiyaay miyaad ku jiri? Dantaa-duna ay sidaas ku halaabi, adiga bay ku jirtaa muwaadin, ka aad ku racaysaa hadafka aad rabto, ee kuu hir gelinayaa yanau noqon reer hebel baan kula socdaa, oo ah kuwii ku rogay, ogaw-se yaanay " Sanka caano-kaa-iman kolkuu kaadhka kaa marsado" Ha ka soo qaylin aakhiro, ee iilka si wacan laguu leekay-siiyo. Hadda adiga baa ka adag, ee dhul dhacaaga hubso, oo sii foodka Mucaaridka kan barataye, ama halkii lagu qaban jirey, ee kursi doon dhaameelka kuu dhigi jirey, maan-tana mar, oo melegaa ha galo.

        

        * N.B  Masku oogadda Waa Ka Xariir Asal Ah!

        Abdi-shotaly,

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...