Wasiir Caafimaad Oo Ku Faantay Dawo Uu Sameeyay Sixiroole Oo Uu Ku Dhacay Covid-19

0
Sunday January 24, 2021 - 09:02:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Caafimaad Oo Ku Faantay Dawo Uu Sameeyay Sixiroole Oo Uu Ku Dhacay Covid-19

    "Wasiirka ayaa laga codsaday inay iskeed isu karantiisho"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasiirka ayaa laga codsaday inay iskeed isu karantiisho"

Wasiirka caafimaadka dalka Sri Lanka, oo indhawaale u ololeynaysay dawo dhireed la sheegay in lagu daweeyo ama looga hortago cudurka Covid-19, ayaa hadda laga helay fayraska cudurkaasi.




Pavithra Wanniarachchi ayaa jimcihii dhawaa laga helay cudurkaasi, sida uu BBC u sheegay xoghayaha warfaafinta ee wasaaradda caafimaadka.


Waxay in badan dhiirigelin jirtay isticmaalka sharoobo dhir laga sameeyay, oo uu soo saaray nin sixirrow ah oo sheegay in marka la cabbo sharoobadaasi ay ka hortageyso fayraskani inta ka hartay qofka noloshiisa.


Dalka Sri Lanka, inta la ogyahay cudurkan ayaa soo ritay 56,076 qof halka 276 qofna ay u dhinteen tan iyo billowgii faafitaanka cudurkan, waxaana bilihii la soo dhaafay soo badanayay dadka uu cudurkani soo ritay.


Wanniarachchi ayaa noqoneysa wasiirkii afaraad ee laga helo cudurkan guud ahaan dalkaasi. Dhawaan ayay ahayd markii wasiir kale oo sidoo kale qaatay dawo dhireedkani laga helay cudurkani saf-marka ahi.


Wanniarachchi oo ah wasiirka caafimaadka ayaa dadka hortiisa ku cabtay sharoobadaasi dhirta lagas ameeyay, waxa ayna dadka sheegtay in ay ka hortagayso fayraska cudurkan.


Saaxirka soo oo allifay sharoobadani oo ka kooban malab iyo lows ayaa sheegay in qaabka loo sameeyo iyo waxyaabaha laga sameeyaba uu ku helay riyo ahaan.


Dhakhaatiirta dalkaasi ayaa beeniyay in sharoobadani dawo-dhireedka ahi ay daweyn karto cudurkani, balse wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku soo warantay in kumannaan qof ay u safreen tuulo dalkaasi ku taal si ay u helaan dawadaasi.


Xoghayaha warfaafinta ee wasaaradda caafimaadka dalkaasi, Viraj Abeysinghe, ayaa BBC-da u sheegtay in Wanniarachchi laba jeer laga baaray cudurkaasi Covid-19, balse labaduba laga helay cudurka.


Wasiirka ayaa laga codsaday inay iskeed isu karantiisho, waxaana sidoo kale is-karantiilay dhammaan dadkii ay xiriirka dhaw la yeelatay.

Dalka Sri Lanka oo kaliya ma ahan waddaamda dadka xilalka haya ay u ololeeyeen dawooyin aan la hubin in ay wax ka tarayaan cudurka Covid-19.


Sanadkii la soo dhaafay, ayaa madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, waxaa lagu dhaliilay inuu dhiirrigelinayay dawo dhireed uu sheegay inay ka hortagi karto fayraska cudurkani, waxaana la soo sawiray isaga oo u qaybinaaya dawo dhireedkaasi bulshada danyarta ahi ee ku nool caasimadda dalkaasi.


Tan iyo markii uu billowday faafitaanka cudurkani, tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha adduunka iyo wasiirro ayaa qaaday cudurkaasi Covid-19. Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, Ra'iisalwasaaraha UK, Boris Johnson, iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa dhamaantood sanadkii la soo dhaafay uu ku dhacay fayraska cudurkaasi dhammaadkii sanadkii la soo dhaafay.

 

BBC

Loading...
Loading...